Today: Sep 14, 2025

Hoggaamiye Ku Xigeenka SSC-Khaatumo Oo Safar Hawleed Ugu Baxay Deegaano Ka Tirsan Sool Iyo Cayn

1 year ago
Wefti  ballaadhan oo uu hoggaaminayey Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta gelinkii danbe  gaadhay Deg. Dharkayn-geenyo ee gobolka Sool . Weftida waxa magaalada ku soo dhaweeyey madaxda degmada, dhallinyaro, haween, waxgarad iyo bulsho aad u tiro badan.
Ugu horrayn Hoggaamiye kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Md. Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa uga mahadnaqay bulshada reer Dharkayn-geenyo soo dhawayntooda iyo sida ay weftidiisa u qaabileen, waxa uuna kula dardaarmay in laga shaqeeyo nabadgalyada, lana ilaaliyo midnimada iyo iskutashiga dhexdeenna.
Hoggaamiye ku xigeenka  iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa caawa lagu soo dhaweeyey magaalada Ballicad, wuxuuna waftigani booqan doonaa magaalo madaxda gobolka Cayn ee Buuhoodle iyo deegaanada ku hareeraysan.
 

Leave a Reply

Your email address will not be published.