Today: Nov 20, 2025

SSC-Khaatumo halkee bay ka arimisaa, suurtagalse ma tahay inay maamul goboleed noqoto?

1 year ago

Hoggaamiyaha cusub ee SSC Khaatumo ayaa xilli uu soo bandhigayay qorshaha ay dooneyso SSC in ay ku shaqeyso ayuu ka dhawajiyay deeggaannada maamulkiisu ka shaqeyn doono, isagoo xusay in SSC ay tahay meel lawada daganyahay.

Mid kamida arrimaha uu xusay Cabdiqaadir Aw-cali Firdhiye ayaa waxaa kamid ahaa in deegaannada SSC lawada degganyahay, balse si loo qeexo halka ay masuulka kayihiin ay qaateen magaca SSC Khaatumo.

Firdhiye ayaa yiri: “Sool, Sanaag iyo Cayn, waa dhul lawada daganyahay, si ayanaan u sheegan dhul ay dad kale nala daganyihiin waxa aan raacinnay SSC Khaatumo. Qorsheheena marka waa in la daadajiyo maamulka oo lawada gaarsiiyo deegaannada aan ku magacaabanahay”.

Tan ayaa dadka qaar ku macnaheeyeen in maamulka uu hugaamiyo Firdhiye uu ka talin doono deegnada Khaatumo, oo ah kuwii horay ugu midaysnaa maamulkii Khaatumo ee ka dhisnaa gobolkaas kaas oo ay dagan yihiin intooda badan mid kamid beelaha Soomaaliyeed.

Maamul goboleed ma noqan kartaa SSC-Khaatumo?

Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya, laba gobol iyo wixii ka badan ayaa noqon kara maamul goboleed, kadib markii ay ku sheshiiyaan inay midoobaan.

Deeganada uu xusay Firdhiye in maamulkiisu ka taliyaan ayaan gaarsiineyn laba gobol, maadaama sida uu sheegay aysan maamul u noqon doonin guud ahaan deeganada labada gobol ee Sool iyo Sanaag oo ah labada gobol ee dawladii Soomaaliya u aqoonsatay inay yihiin gobolo dhamaystiran.

Balse waxaa jira in mid kamid ah dawlad goboleedyada Soomaaliya uusan buuxin shuuradahaas, taas oo is qabqabsi badan ka dhashay bilowgii dhismihiisa. Dawlad goboleedka Galmudug ayaa haatan wali shaqeeya isaga oo aan buuxin shuruudaas.

Hadalka hoggaamiyaha SSC Khaatumo ayaa kusoo beegmay, iyadoo Puntland ay ku jirto xilli kala-guur ah loona diyaar garoobayo doorashada soo socota ee madaxtinimada.

Degaanada SSC Khaatumo waxaa Puntland ku matala 17 xildhibaan, madaxweyne ku xigeenka, wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo agaasimayaal guud.

Madaxweynaha Puntand Siciid Deni, ayaa mar sii horraysay ugu baaqay SSC Khaatumo in ay wax la qeyb sadaan maamulka Puntland, balse Firdhiye arrinkaas waa uu ka digay.

“Dadka ka soo jeeda SSC, doorashada soo socota ee Puntland kama qayb gelayaan, dadka deegaanka ayaa sidaa go’aansaday, odayaashii soo xuli jiray ayaana go’aankaa qaatay” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC- Khaatumo.

Firdhiye wuxuu sheegay qof kaste oo kasoo jeeda SSC, oo xil ka haya maamulada kale in matalaadiisu ay tahay wax isaga ku kooban.

Dhinaca kale hugaamiyaasha siyaasadda ee Somaliland ayaa sheegay inay isku dayeyaan in ay dib gacanta ugu dhigaan deegannadan oo ay horay u maamuli jirtay Somaliland.

Guddomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Feysal Cali Waraabe oo dhowaan u warramay BBC-da ayaa sheegay in iyagu aaney aqoonsaneyn maamul layiraahdo SSC.

Guddoomiye Waraabe ayaa yiri, “Horta annagu ma aaminsanin wax la yiraahdo SSC, reer Laascaanood waa beel kamida beelaha dega Somaliland, marka ay ay noqoto safarka ninka la sheegay in uu yahay hoggaamiyahana, waa nin Soomaaliyeed oo tagay dhul Soomaaliyeed, in Laascaanood la yiraahdo waxaa lagu darayaa dal kale waa waxba kama jiraan”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.