Today: Sep 13, 2025

About

Get to know more about us.

 

Jidbaale waa warbaahin madax-bannaan oo u taagan soo gudbinta wararka iyo macluumaadka muhiimka ah ee la xiriira Soomaaliya iyo caalamka. Waxaan si gaar ah u diiradda saarnaa wararka iyo arrimaha ku saabsan SSC-Khaatumo, oo ah gobol taariikhi ah oo muhiim u ah midnimada iyo jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed.

Jidbaale waxaa loo aasaasay inay kaalin muuqata ka qaadato kor u qaadista midnimada iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed. Waxaan ku dadaalnaa inaan u soo gudbino akhristayaasheenna warar sax ah oo dhex-dhexaad ah, iyada oo laga fogaanayo marin habaabinta iyo danaysiga. Waxaan rumeysanahay in warbaahin xor ah oo hufan ay tahay aasaaska bulshada wacyi-gelisa oo is-xilqaanta.

Waxaan sidoo kale ku faannaa inaan ahayn warbaahin keliya, balse inaan nahay meel lagu mideeyo fikradaha, hal-abuurka, iyo aragtiyaha bulshada. Jidbaale waxay ka shaqeysaa sidii loo xoojin lahaa isku duubnida, wadanoolaanshaha, iyo horumarka guud ee Soomaaliya, anagoo ilaalinayna dhaqanka iyo taariikhda bulshada.

Inagoo adeegsanayna teknoolojiyadda casriga ah iyo khibradda kooxdayada, waxaan ka shaqeynaa sidii aan u noqon lahayn il-wareedka ugu horeeya ee la isku hallayn karo marka la eego wararka iyo barnaamijyada ku saabsan SSC-Khaatumo iyo guud ahaan Soomaalida. Jidbaale waa codka dadka Soomaaliyeed ee u taagan cadaalad, horumar, iyo midnimo.