Today: Sep 13, 2025

Maxaabiista , Waddada xidhan , Imaaraadka iyo Ingiriiska maxaa ka dhaxeeya?

7 months ago

Ilaa markii safiirka Ingiriisku booqday magaalada Hargeysa Isla markaana uu la kulmay guddida uu magacaabay Cirro ee uu ku sheegay guddiga wadahadalka iyo nabadeynta Ingiriisku wuxuu wadaa olole uu ku doonayo in Maxaabiistana la sii daayo, waddada xidhana la furo.

Arrintaas safiirku Hargeysa wuu ka sheegay, haddana sida ay sheegayaan Ilo xog ogaal ahi Ingiriisku wuxuu wadaa olole ballaadhan isaga oo la jaala maamulka Hargeysa oo ay kaga soo hadhay waddadana hala furo Maxaabiistana hala siidaayo.

Arrin kale ayaa iyadduna jirta oo sida ay ilahan xog ogaalka ahi sheegeen Imaaraadku ku lugleeyahay Taas oo uu aad u danaynayo in waddada xidhan la furo, oo isagana dhaawac dhaqaale ka soo gaadhay iyo maalgashigii uu ku sameeyey dekadda Berbera oo Yoolku ahaa in dekadda Berbera quudiso ilaa Baladweyne, Boosaaso iyo Dawlad deegaanka Soomaalida, oo koonteenarada degdeg uga soo degaan Berbera.

Markii waddadu xidhantay 12/2022 Boosaaso iyo Garacadna loo wareejiyey gacanasi baaxad weyn, dhawaana dagaalo ka dhaceen deegaanada dawlad deegaanka Soomaalida, maamulka Hargeysana soo farageliyey waxay keentay in ganacsi balaadhan u wareegay Garacad.

Arrimahaas oo dhan waxay dhaawac ku keeneen maamulka Hargeysa oo miciin bidey muddooyinkii ugu danbeeyey Ingiriiska iyo Imaaraadka oo is huwan, sidii waddada loo furi lahaa, Maxaabiistuna qayb ka noqdaan arrintan.

Imaaraadku wuxuu maalgashigii Berbera ku daray sida ay ilo xogogaal ahi sheegeen in uu maamulka Hargeysa la qorshaynayo in ciidan Imaaraadka ka amar qaata isla markaana uu maal geliyo laga hirgeliyo maamulka Hargeysa, xilliyadii hore Muuse Biixi fikirkan wuu ka diiday Imaaraadka , Laakiin Ingiriiska ayaa u maal gelin jiray ciidan RRU lamagaca baxay oo uu danbiyo badan Muuse Biixi ku galay.

Mawqifka Ingiriisku wuxuu ku qotomaa mid lagu caadinayo maamulka SSCKH oo la doonayo in cuna qabataynta dhaqaale ee saaran Hargeysa lagaga qaadayo.
Maxaa la gudboon maamulka SSC-Khaatumo?

Waxaa caddaatay in maamulka SSC-Khaatumo is waday dhic walba, oo bulshadiisu is dhinac taagtay, oo ay Cashuurta bixiyaan, adeegyada ugu muhiimsana wixii lagu qaban lahaa shacabku bixiyo, oo maamulku ku taagan yahay rabitaan shacab, waxa dhaqaale ah oo Beesha caalamka ka soo gala oo lagu caddaadin karaana jirin.

Maamulka SSC-Khaatumo waxaa la gudboon in uu qaado dhawr tallaabo oo muhiim ah, ugu horayn way muuqataa in cadaadis dublumaasiyadeed maalmihii ugu danbeeyey uu kaga imanayey Beesha caalamka oo Ingiriisku hormuud u yahay arrimaha ku saabsan wadahadalka.

Arrintaa wadahadalka waxay magacaabi karaan maamulku guddi Harti ama daarood ka kooban oo wadahadalka loogu talo galay, waxaana muhiim ah in maamulka Hargeysa ka reebo gudiga wadahadalka xubanaha aan Isaaqa ahayn.

Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ku dhaliilan yahay in aanu ilaa hadda maxkamad Milatari soo taagin maxaabiista xabsiga sidii kaam qaxooti iska dhiibay Yurub loogu hayo oo ay wax waliba masmuux u yihiin. Waa in maxkamad la soo taagaa saraakiishii siddeeda bilood magaalada Laascaanood madaafiicda la dhacayey, waxayna ahayd markii ugu horaysay Taariikhda geyiga Soomaaliyeed in ciidan magaalo soo weeraray oo siddeed bilood jariimo kastaba geystay oo duuban oo la qab qabto.

Sidaas oo ay tahay ayaa ay dhicnacii ay ka soo jeeday danba ka lahayn wixii ay dhib geysteen oo ay weli weerar soo yihiin, adduunkana waxba laguma helo sahal, qaabkii deegaanka looga sifeeyey iyo wixii naf iyo maalba ku baxay waa la ogaa.

Maamulku wuu ku dhaliilan yahay in xaquuqda awlaada shuhadada aanu u muujin in uu caddaalada ugu hiiliyo, waa muhiim in aanay Jamaahiirtu arrintan ka aamusine ay isha ku hayaan, codsadaana in maxkamad la soo taago dadkii dhibaatada u geystay, caalamkana loo soo bandhigo.

Waxaa muhiim ah in ay bulshada SSC-Khaatumo iyo Warsangeli ogaadaan in ilaahay ku beeray meel Istiraatiijig ah oo Soomaali isku haysa, Haddaanay feejignaanna ay haliso badani ku soo fool leeyihiin.

Asad Cadaani Ibraahim.

Leave a Reply

Your email address will not be published.