Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka shiraya xaaladda amni ee Soomaaliya iyo Howlgalka Cusub Aussom oo dalka ka bilaaban doona sanadka 2025.
Golaha ayaa cod aqlabiyad leh u qaadi doona sida lagu dhisayo Howlgalka Cusub ee u ekaanayo maadaama xilli kala guur ah la marayo waqtigaan dhanka kalena Mandate-ka ATMIS uu ku egyahay 31 December 2024.
Qoraalka lagu wado inay u codeeyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa hogaaminaya gacantana ku haya Dowladda Ingiriiska iyadoo warbixin hordhac ah oo xilligaan la helayo ay sheegayaan in 12,626 askar ah oo ay ku jiraan 1040 booliis ah la keenayo gudaha Dalka 1/2025 .
Howl galka Cusub AUSSOM ayaa wararka lagu helayaa waxa uu ciidankiisa iman doona Soomaaliya ilaa 30ka Juun ee sanadka 2025.
Dhanka kale kulanka maanta waxaa ka qeybgalaya Dowlaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo illaa iyo iminka la xaqiijiyay in Howlgalka Cusub ay ka qeyb galayaan Ciidamada Dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda, Brundi iyo Masar.
Si kastaba ha ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya dib loogu darayo Howlgalkaan Maadaama Ankara lagu dhameeyay xiisadii kala dhaxeysay Soomaaliya.