Today: Sep 14, 2025

Dulqarneyn: Filosoof aragti dheeraa:

9 months ago

Dulqarneyn wuxuu ahaa nin afkaar ummadeed leh, mid deegaan leh mis Islaam iyo diini leh. Wuxuua ahaa nin xakiim ah oo bulshada iskudaya inuu wax u sheego. Wuxuu imaan jiray meelaha maqaaxiyaha ah ee la fadhiyo isagoo wacdinaya ama waaninaya da’yarta ama duqeyda meesha fadhida.

Cabdiqani Axmed Diihaal oo loo yaqaanay Dulqarneyn July, 19, 2023 kii ayaa lagu diley magaalada Widhwidh oo hoos tagta gobolka Togdheer. Magaalada Widhwidh waa magaaladii uu qoraagii I M lewis uu ka diyaariyey buuggiisa “A Pastoral Democracy: a Study of Pastoralism and Politics Among the Northern Somali of the Horn of Africa” isagoo u barbardhigaya magaalada Gabiley, labada bulsho oo midna xool dhaqatada yahay (Widhwidh) midna beeralayda yahay “Gabiley”. Waa deegaan ciid cas leh oo xool dhaqista ku fiican, degmada dadku ku noolina xoolo dhaqato u badanyihiin.

Dilkiisu wuxuu ahaa naxdin weyn oo wada gilgishay qalbiyada dhammaan dadkii yaqaaney. Geeriba geeri ka xun’e geeri xunuun badan ayay ahayd. Dulqarneyn wuxuu ahaa nin bulshada si qoto dheer u fahamsan, kana shaqeynayay in uu bulshada wax u sheego isaga oo aan ka daaleyn habeen iyo maalin. Wuxuu ahaa qof wacdi iyo waano si niyad sami ah ugu gudbiya dadka, muddadii ugu dambeysey noloshiisa wuxuu degganaa Laascaanood.

Qoraalkan waxaan ku dul istaagi waxyaalihii laga diwaangaliyey intuu noolaa aragtiyihii ama aan dhahee waxsoosaarkiisii caqliga iyo baraarujintiisii qiimaha lahayd waxaan u barbardhigi doonaa Xakiimkii weynaa ee Bahluul si fahamku usoo dhawaado, labadooduba waxay ahaayeen laba indheergarad oo garasho dheeri ah leh.

Si guud, muddadii yarayd ee wax laga duubey filasoof Dulqarneyn wuxuu kahadlay mawaadiic waaweyn oo falsafi ah oo saameyn kuleh jiritaanka isirka iyo dawladnimada Soomaalida. Wuxuu ka hadlay dhaqanka bulshada, dhaqaalaha, dawlad dhiska, hoggaanka siyaasiga ah, ka dhaqanka ah, qaab-dhismeedka qoyska Soomaaliga ah, Islaamka iyo wax walba oo nolosheenna si toos ah u saameynaya. Habka uu usoo gudbin jirey ayaa iyana lamid ah middii xakiimkii weynaa ee Bahluul. Haddaba kumuu ahaa Bahluul?.

Bahluul oo magaciisu Wahab Binu Caamir yahay waxaa lagu naanaysi jirey “Bahluulkii waalnaa” lama garanayo xilliga uu dhashay balse waxaa la yaqaannay xilliga uu dhintay, taariikhda miilaadiguna sheegeyso 810-kii inuu kudhintay Kuufa oo Ciraaq kutaal, cahdigii khilaafkii Haaruun Al-Rashiid ee Cabbaasiyiinta. Waxaa lagu tiriyaa inuu ahaa taariikhda Islaamka dadkii ugu xikmadda iyo garashada dheeraa, taariikhda qayb ayaa werisa sida buugga “ المجانين عُقلاء (waxgaradka waalan) inuu dhab u waalnaa, Carabtu waxay leedahay maamhaam ay siiso dadka waalan taasoo ah marka la Soomaaliyeeyo “xikmadda ka qaado dadka waalan”, malahayga u lama jeedaan qof kasta oo dhimirka ka xanuunsanaya inuu xikmad leeyahay ee waxaa jira dad markoodi hore abuur xikmadeed lahaa ka gadaalna xanuunsaday sidaasna u noqday nin waalan oo xikmad leh, hayeeshee sida la ogyahay dadka dhimirka ahi ma xikmad yara.

Taariikhda kale ee Bahluul waxay sheegeysaa in si uu uga badbaado axmaqnimada madaxda uu jili jirey waallida dhanka kalana uu farriimihiisa marsan jirey, xilliyadaas xorryiyatul-qawlka ma ahayn wax si sahlan qofku hadduu aragtidiisa cabbiro ku badbaadi karo.

Bahlool waxa inta badan lagu xusuustaa hab-wax-bariddiisa heerka sare iyo inuu casharro qoto-dheer ku bixin jiray kaftan. Waxyaalaha aadka looga xusi karo noloshiisa waxaa ka mid ah in uu u bareerey hab-dhaqanka bulsho iyo tu siyaasadeed ee waayihii uu noolaa, isaga oo inta badan u adeegsan jiray kaftan uu ku dhaleeceeyo madaxda musuqmaasuqa iyo cadaalad darrada bulshada dhexdeedaka caadeystay. Sheekada Bahluul waxay isugu jirtaa aragti ruuxi ah, naqdin ku aaddan aasaaska siyaasadda iyo hoggaamiyayaasha.

Sheekooyin iyo qisooyin badan ayaa laga wariyay noloshiisa, kuwaas oo muujinaya sida uu marar badan isaga dhigi jiray inuu waalan yahay si uu uga fogaado cadaadis ama ciqaab aragtidiisa ah, taasoo u sahashay inuu xor u yahay inuu runta sheego, waxaana lagu tiriyaa inuu yahay astaanta madax-bannaanida garashada iyo geesinimada. Waxaa la sheegaa in madaxda uu xujeyn jirey isagoo ula dan leh inuu hogo-tusaaleeyo oo aysan u arag dhaldhalaalka dunida wax weyn oo raandhiis leh. Haaruun Al-Rashiid ayuu xujeeyey, dabadeen Haaruun ayaa yidhi, wax i waydiiso, wuxuu weydiistay saddex arrimood inuu u qabto, Inuu cimriga udheereeyo, wuxuu Haaruun yiri: “ ma awoodo”, wuxuu weydiistay in malaul-mawtka ka ilaaliyo, wuxuu Haaruun yiri: “ ma awoodo”, wuxuu weydiistay oo kale inuu Jannada geeyo oo uu naarta ka fogeeyo, wuxuu Haaruun kuyiri: “ ma woodo”, Bahluulbaa markaa yiri : “ haddaba adigu ma tihid Boqor ee waxaa tahay mid la leeyahay waxna anigu kaagama baahni”. heestii Soomaliyeedna waa tii lahayd ….

ثلاث حاجات ،،،
إن قضيتها شكرتك .. قال : فاطلب ،،، قال : أن تزيد في عمري !!
قال : “لا أقدر ”
قال :أن تحميني من ملك الموت!!
قال : لا أقدر ..
قال : أن تدخلني الجنة وتبعدني عن النار !!
قال : لا أقدر ..
قال : فاعلم انك مملوك ولست ملك ،، ” ولاحاجة لي عندك”

Aan usoo laabtee Dulqraneyn wuxuu aaminsanaa in faqrigu yahay cadow dilaa ah bulshaduna kaga bixi karto waxbarashada iyo beerashada dalagga noocyadiisa kala duwan. Dad meel fadhiya inaysan dhergin ayuu sheegi jirey. Dad wada dawarsanaya oo hay’ado baryaya waxba ma noqon karaan ayuu ku celcelin jirey. Nin ha’adaha caalamiga ah mid madax ka ah ayaa iiga sheekeeyey sida dad badan oo reer guuraagii Soomaalida ahaa ay miyigii iyo xoolihii uga soo tagayaan oo kaam iyo meel magaalada u dhow u imaanayaan si ay boqol doolar uga helaan hay’adaha qaxootiga ama waxa ladhaho barakac unoqdaan “IDP”, tani waxay keenaysaa in bulshadii shaqo gab noqoto, taasoo keentay shaqadii xoolo dhaqista iyo beera falashadu inay istaagto. Maskax-maal Dulqraneyn malahayga taasuu arkey oo la yaabay markuu leeyahay “dad wada dawarsanaya oo hay’ado baryaya waxba ma noqon karaan” . Fikradahan uu soo bandhigay waxay muujinayaan in uu lahaa aragtiyo dhaqan-dhaqaale oo fog, kuwaasoo ku wajahan sidii loo abuuri lahaa bulsho madax-bannaan oo awood u leh inay ka shaqeyso mustaqbalkooda.

Dulqarneyn wuxuu aaminsanaa in la shaqeysto oo wax la tabco, fadhiguna yahay cadowga nolosha. Su’aalihiisu waxay inta badan ahaayeen kuwo isweydiin caqliyeed ah ” critique”, oo qofka ku beeraya inuu weydiimahan jawaab u helo, tusaale ahaan wuxuu isweydiiyey: Yaa weli arkey afar xabo oo qudhaanjo ah oo geed fadhida oo aan dhinacna usocon?, wuxuu intaas ku darey haddii aan lahelin qudhaanjo geed fadhida maxaa Soomaalida maqaaxiyaha fadhiisiyey?.. wuxuu tusaale kale u soo qaatay in Soomaalida maahee ummado kale aysan shan qofi meel cidlo ah fadhiyin bilaa shaqo. Dhanka kale wuxuu diidanaa hab dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee foosha xun, maqaaxiyhuna u yihiin hoy goorkasta laga helo. Muuqaallada laga duubay mid kamid ah waxaa la arki jirey isagoo dhallinyaro maqaaxi Laandhuu kuciyaareysa u imaanaya, dabadeedna waano ayuu ku bilaabayaa, ma uusan oran jirin iskaga kaca oo wakhtigiinna ka faa’iideysta, si maangal ah ayuu u tusaaleyn jirey, wuxuu oran jirey “Haddii qudhaanjo meel soconeysa aragto oo xabbad kaliya ah oo ay aragto baranbaro cidlo taalla waxay farriin udirsanaysaa qudhaanjadii kale iyadoo leh hallay yimaado oo baranbarada hallayla qaado, markiiba waxaa u imaanaya gurmadkii iyagoo qaybsanaya sida ay u qaadayaan, waxaa la qaybsanayaa shaqadii sidaasna waa lagu qaadayaa Baranbaradii cusleyd. “Quraanjada markaa aragto ama waxbay sidaa, ama waxbay raadinaysaa ama meel baa loodirey”

Tusaalaha waxaa ka dhalan kara weydiimahan, idinku dhallinarooy maxaa haysaan oo shaqo ah? Maxaa u noqon weydeen dad wax soosaar leh oo howl wada qabta?. Qofka daawada wuxuu dareemayaa gundheerida tusaalaha Dulqarneyn, iyo fahamka dhow ee shaqada laqabanayo, wakhtiga laga faa’iideysanayo iyo wadajirka wax loo wada qabsanayo.

Dhanka guurka aad ayuu u layaaban basar xumada Soomaalida ka haysata guurka iyo dayaca ubadka wuxuu yiri: “waxaa arkeysaa nin leh afar dumar ah ayaan qabaa isagoo waxba hayn, macquul maahan in tarantaadu badato tayadaaduna yaraato”.

Docda kale wadajirka ummadda iyo iskuduubnidooda ayuu aaminsanaa oo uu arki jirey inay keeneyso badheedhe ummadeed, labada shay ee guulaha keena waa dadka iyo deegaanka, Soomaalidu waxay haysataa dad dhallinyaro u badan iyo dhulkii wax lagala soo bixi lahaa taasuu aad udanayn jirey in laga helayo guusha bulshada haddii laysku daro, beerashada oo asaasi noloshu ugu ahayd labadaas ayaa asal u ah waa xoogga dadka iyo dhulka la beeranayo.

Dulqarneyn wuxuu si weyn u dhaliilay madaxda Soomaalida, gaar ahaan siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedyada, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin hoggaamiyeyaal indho la’ oo aan awoodin inay si hufan u hogaamiyaan bulshada. Wuxuu ahaa qof aad uga xumaaday sidii siyaasadda iyo hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ay u noqdeen kuwo aan ku saleysneyn aqoon iyo aragti fog, laakiin u jeedkoodu ahaa danaha gaarka ah ee ay leeyihiin. Wuxuu tilmaamay in dadka iyo hoggaamiyayaashooda ay isku mid noqdeen, halkii la rabay in hoggaanku aragti iyo garasho dheeraado bulshada uu hoggaaminayo taasoo keentay in aan la helin hoggaamin saxa oo horumarka bulshada ku saleysan. Bacdamaa dadkii iyo hoggaamiyayaashii iskumid noqdeen aalaaba wuxuu u adeegsan jirey maahmahaada “”A blind man cannot lead a blind man.” nin indho la’ ma hoggaamin karo dad indho la’. Wuxuu sheegay in hoggaaminta siyaasaddu ay u baahan tahay awood faham iyo garasho, taasoo uu ku tilmaamay in madaxda Soomaaliyeed ay ka maqantahay. Wuxuu diiddanaa in Soomaalida hoggaankeedu noqdo madax dhaqameedka ama Isinka isagoo ka hadlaya wuxuu yiri “qofkasta waxa Iisinka u ah garaadkiisa, Soomaaliduna waa inay iska ilaalisaa inay majaraha siyaasadda qabtaan lagana sii fogeeyo siyaasadda dhaqanka, isagoo hadalka sii watana wuxuu yidhi: “waxa carabta dib udhigey waaa madax dhaqameedka”.
Fikradahani waxay muujinayaan in Dulqarneyn uu aaminsanaa in siyaasadda iyo hoggaanka bulsho ay u baahan tahay awood dheeraad ah oo aqoon, aragti, iyo faham ku saleysan, halkii laga dooni lahaa in loo dhiibo kuwa aan si dhab ah u hoggaamin karin. Waxayna sidoo kale ka tarjumaysaa aragtidiisa ku aaddan sida uu uga digayay in Soomaalidu ay ku sii socoto xaalad siyaasadeed oo aan waafaqsanayn isbeddelka iyo horumarka dunida.

Dawladnimada muxuu ka aaminsanaa?

Dawladnimadu waa shaqo si wadajir ah looqabto, si wadar-ogol ah na dadyowga ay kadhaxayso ugu heshiiyaan qaabka ay u dawladoobayaan. Dulqarneyn wuxuu lahaa fikrad taas ku wajahan wuxuu la cajabay Soomaalida iyo sida aysan u rabin dawladnimo ama inta rabta aysan u gu helin cid fulisa waxa lagu heshiiyey, wuxuuna oran jjirey: “Ilaahay dawlad cirka kama keeno, dawladnimada waxaa lagu gaaraa, dadkoo intay isku yimaadaan yiraahda yeynu halkaas ku saxaroon oo kusaxaroon dabadeed go’aan islaqaataan, laakiin dawladnimada laguma helo inta gidaar la fariisto oo dawlad lama noqdo”. waa nin seexdaa siciis dibi dhalay.

Gunaanadkii, Dulqarneyn indheergarad meel dheer wax uga muuqdaan, nin madaxa daasado kuwata balse maskax hodan ah madaxa ku sita ayuu ahaa. Abwaankii weynaa ee Cismaan Aadan Xuseen oo Cismaan (Askari) caan ku ahaa ayaa hal abuurey hees ka turjumaysa dhibta iyo walbahaarka indheergaradka Soomaaliyeed haysata oo ay la noolyihiin, taasoo ay xanuun ku dareemayaan bulshadooda oo aan u socon halka ay ahayd inay u socdaan, heestaas waxaa si wadajir ah u qaadi jirey kooxdii Waaberi ee barisamaadkii.

“Ninka ugu il dheer baa
Dadka ugu ayaan daran
Waxaan lala arkayn baa
Isaga uun u muuqdee.”

Dulqarneyn wuxuu ka tagay raad weyn oo u taagan wacyigelinta bulshada iyo in uu dadka ku booriyo inay ka shaqeeyaan wanaagga, si looga hortago xumaanta iyo waxyaabaha burburinaya bulshada. Geeridiisa sida looga naxay ayaa muujisay sida uu ahaa qof muhiim ah oo wax weyn rabay inuu ka beddelo bulshada uu ka soo jeeday.

 

WQ: Axmed Macallin Siciid

Leave a Reply

Your email address will not be published.