Hogaamiye Kuxigeenka Ssc Khaatumo Dr Shiine Ayaa kulan la yeeshay Wasaaradda Caafimaadka Maamulka SSC-Khaatumo iyo Cisbitaallada gaarka loo leeyahay. Kulanka waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Adeega/xarumaha Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasimayaasha Cisbitaallada gaarka loo leeyahay.
Shirka waxa la isaga xog-waraystay xaaladda guud ee caafimaadka deegaannada SSC-Khaatumo iyadoo si gaar ah diirada loogu saaray sidii gurmad Caafimaad oo degdeg ah looga hawlgelin lahaa Deeganada Gobolka Sanaag sida Cisbitaalka Fiqifuliye iyo kaalinta ay ka qaadan karaan goobaha caafimaadku maadaama xaalad coolaadeed ay gashay Ceerigaabo, loona baahan yahay hannaan Iskutashi oo bulshadu ay ka qayb qaadato.
Kulan Wasaaradda Caafimaadka iyo Cisbitaaladda gaarka loo lee yahay

Fiqifuliye Waa in la magaaleeyo, Meeshaas Waa la dayacay