Today: Sep 14, 2025

Golaha Deegaanka ee Degmada Buuhoodle oo ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 5aad

9 months ago

Golaha Deegaanka ee Degmada Buuhoodle oo ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 5aad sidoo kalana ka Dooday Tacriifada Cashuurta .
Kaldhiga 5aad ee Golaha Deegaanka Fadhigiisa labaad ayaa maanta lagu ansixiyay Ajandaha kalfadhiga iyada oo sidoo kale xildhibaanada Golaha Deegaanka loo Qaybiyay Xeerka Tacriifada Cashuurta .
Shirka Golaha Deegaanka oo uu Shir Gudoominayay Ku simaha Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka Maxamed Cali Qawdhan ayay soo xaadireen 23 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka ayaa sidoo kale waxaa ka qayb Galay Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Maxamed Cabdi Dhoon iyo xoghayaha Golaha Deegaanka Daauud Deeq Cali .
Kalfadhigan inta uu socdo waxaa looga Doodi Doonaa xisaabka 2024, ansixinta Miisaaniyada 2025, ka Doodista iyo ansixinta xeerka tacriifada Cashuurta, ansixinta xeer hoosaadka Golaha Deegaanka, ansixinta xeerka Gudiga Gargaarka iyo Arimaha Bani aadantinimada , ansixinta wax qabadka 2025.

Leave a Reply

Your email address will not be published.