Today: Sep 14, 2025

Juxa: Khaatumo waa Baradho kulul ee ha qabowdu

10 months ago

17kii, bisha November, 2024, Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuquraadiyeynta maamulka Puntland Cabdi Farax Siciid (Juxa), ayaa warbixin ku saabsan wasaaraddiisa waxqabadkeeda iyo qorshayaasheeda ka jeediyey Golaha wakiillada maamulka Puntland. Ku dheeraan maayo warbixintuu jeediyey, waxaan isdultaag ku samayn doonaa jawaab uu bixiyey ka dib markii mid ka mida xildhibaannada Puntland waydiiyey su’aal wasiir Juxa. Xildhibaankaas oo lagu magcaabo Cabdiqani Faarax Dhaashane, gobolka Mudugna ka soo gala wakiilada.

Su’aalo badan ayaa la waydiiyey Juxa wuuna ka jawaabay badan kood, laakiin su’aasha Xildhibaan Dhaashane jawaabtii Juxa ka bixiyey baa dood gaara dhalisay, Si kooban, nuxurka  su’aashu waxay ahayd: Maxaa qorshayaal ah oo Puntland ka leedahay wada-shaqaynta iyo xiriirka maamulka SSC Khaatumo, gaar ahaan guddiga Hoggaamiyaha Firdhiye ee u magacaabay xiriirka iyo wada-hadalka, haddaa maamulka Puntland tihiin?.

Juxa mar waa jawaabay marna ma jawaabin, ma jawaabin oo sida su’aashu u dhacasay waxay ahayd su’aal waadix ah, oo qof masuuliyad haya oo ummad matala faahfaahin ka siin karay wakiilka su’aasha warsaday, kuwa meesha la fadhiyey iyo dad weynaha daawanayey intaba. Hasayeeshee, Juxu wuxuu doortay inuusan waxba shacabka u caddayn.

Soomaaliya kaliya ayey ka dhacdaa meel shacabka waxa lagu maamulayo aan loo sheegin, oo cashuurta laga qaadayo aysan garanayn waxay ku baxdo. Halka uu wakiilka jawaab hufan siin lahaa iyo shacabka, Juxa wuxuu doortay inuu u diro shaqo guri (homework) wakiilkii su’aasha waydiiyey iyo shacabkiiba, wuxuuna yiri “Khaatumo waa baradho kulul ee ha qabawdo”. Dadkiina waxay is waydiiyeen wuxu kelmadan ka wado, marna wuu jawaabay oo sidii Farmaajo ma oran su’aasha jawaabteedu waa igu adagtahay, laakin wuxuu yiri kalmadan aan ciwaan uga dhignay maqaalkan. kelmadan shaqa guriga ah ayaa dadku fasiraad saarteen iyo docda kale xigmada ku jirta baradhada kulul iyo markay qabowdo.

Baradhadu waa nooc ka mida cuntada ama khudaarta macaan, iyadu wax ma cunto waa shay la cuno. Qaab ahaanna dhumuc leh oo jilicsan, biyo badan ku baxda. Baradhada marka la kariyo, ama la dubo/shiilo, waa shay aad ukulul oo qofka carabka kaga dhagaysa hadduu damco inuu manfac ka raadiyo iyadoo kulul, waxayna sababi kartaa dhibaato caafimaad haddii kulkaas laysku dayo in lagu cuno, haddiise la qaboojiyo waa shay la cuni karo,  marka si loo qaboojiyo labo shay baa la sameeyaa: In biyo qabow lagu rido, ama in si dabiiciya u qabowdu oo waqti lasiiyo. Juxa isagaa laga rabaa ma si dabiiciya buu u sugayaa in SSC KH u qabowdu mise biyo qabow buu ku ridayaa. Dabcan waxay u badantahay inuu biyo qabow ku ridayo, waana inuu dadka ku jira Puntland ee ka soo jeeda SSC Khaatumo soo adeegsado, si ay uga shaqeeyaan kala furfurka una kala dhantaalo midnimada iyo wada jirkooda, sidaa darteed, reer SSC Khaatumo maamul iyo shacab waa is wataan, hadda inta ay sidaa yihiin looma bareeri karo oo waa baradho kulul, marka aan sugno intay kala daadanayaan oo isnacayaan (Baradha qabow). Hal baase seegtay wasiir Juxa, marbaa jirta baradhada biyaha ka badantahay oo biyuhu kululaadaan iska daa inay qaboojiyaane. Inta Qadiyadda SSC Khaatumo taageersan oo cidkasta leh baa ka badan inta ka soo horjeeda.

Markaa akhirdo jawiga wakiillada Puntland iyo doodahooda waxay u dhacayeen:

1. Wakiillada qaybtood waxay waydiinayeen arrimo muhiima (substantial elements), sida xallinta khilaafaadka beelaha, maamul daadajinta, dhaqaalaha, xallinta khilaafka Puntland iyo dawlada federaalka, xakamaynta qulqulka dadka socdaalka ah ee tahriibayaasha IWM..

2.  Halka kuwa sheegta SSC KH (inay matalaan) laakin aan sharciyad shacabka ka haysan ku mashquuleen inuu wasiir Juxa u diray hambalyo doorashada maamulka Gooni-goosadka (Somaliland),. Juxua wuxuu kaloo dhaliilay wasiir Fiqi oo ah wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, markuu safiirada Soomaaliya joogay ay Hargaysa ka degaan ulana hadleen sidii dal badax banaan. Dhammaan su’alaha ay waydiiyeen dadka SSC KH sheeganaya lagama soo deyn muuqaal baahiyaha maamulka PL.  Nin raga tag lama dhoho ee wuxuu ku tagaa la tusaa.

Waa arin iska caadiya in qof nooli markuu wanaag ama xumaan sheego/sameeyo dadku ka falceliyaan. Jamaahiirta reer SSC KH waxaan waydiinayaa ragaas goormay Horgal yihiin? ma markay ay dhibka ka shaqeeyaan mise markay wanaag ka shaqeeyaan? mise khayr iyo wanaag labada wixii ka yimaada horgal bay ku yihin?

Ugu danbay, marka laysku soo xooriyo hadallada iyo ficillada siyaasiyiinta iyo hoggaanka Puntland ay kula dhaqmayaan maamulka SSCKH, waxa kaliya oo lagaga hortagi karaa waa midnimada, is-qaadashada iyo iskutashiga shacabka iyo masuuliyiinta reer SSCKH dal iyo dibadba.

WQ: Khalif Dalmar

Leave a Reply

Your email address will not be published.