Laascaanood 10 November 2024: Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa qalinka ku duugay Sharciga Ciqaabta Horgallada.
Sharcigan ayaa Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-KHAATUMO u soo ansixiyeen si waafaqsan qodobka 11aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo, iyagoona u soo gudbiyey Hoggaamiyaha Maamulka si uu uga guto waajibaadkiisa Dastuuriga ah.
Hoggaamiye Cabdiqaadir ayaa uga mahadceliyey Guddoonka Golaha Dhexe iyo Xildhibaannada sharafta leh sida xilkasnimada leh ee ay u ansixiyeen Sharcigan, isagoona ugu baaqay in sidoo kale dhammaystiraan xeerarka horyaalla.
Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa xusay in sharcigan yahay mid ka hortagaya khataraha jiritaan ee liddiga ku ah Maamulka SSC-Khaatumo, sidoo kale xeerkan ayaa denbiile u aqoonsanaya cid walba oo reer SSC-Khaatumo ah oo isku dayda in ay la timaado qaddiyad aan waafaqsanayn qodobadii 6-dii February iyo dhammaan mabaadi’dii halgan ee shacabka SSC-Khaatumo naf iyo maalba u hureen muddada dheer.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Maamulka SSC-Khaatumo
Email: Info@ssckhaatumo.so
Xeerka Ciqaabta Horgalnimadda ayaa waxaa saxeexay si Sharci ah Madaxa maamulka SSC-Khatumo
