Today: Sep 14, 2025

Qudhac-Dhalaan iyo Hawdka Doolo Ilaa BarigaTogdheer oo roobku is hayo

11 months ago

Wararka Warbaahinta ka helayso  Qudhac dhalaan oo katirsan degmada danood ayaa ku soo waramaya in roobab lixaad leh xalay ilaa Maanta siwayn u helaan Magaaladaasi.

Baliga Magaalada Qudhac dhalaan ayaa ku soo fatahay Magaalada sida wararku sheegayaan ka dib roobab xoogan oo deegaankaasi ka helay.

Dhinaca kale roobkii Xalay ayaa siwayn u helay deegaano badan oo ka tirsan Gobolada baruga Togdheer iyo doolo oo roobab mahiigaan ah Heleen.

 

Buuhoodle ayaa xalay ka roobsatay dhinaca Bariga Waxana ilaa Hada aanu roobku helin Baliga shangale,, Dhaamka wayn ee Buuhoodle iyo ilaa Galbeedka Buuhoodle.

Inta Badan Magaalooyinka Galbeedka ka xiga Buuhoodle roobku aad ayuu ugu yar yahay wali Waxana roobku u badan yahay dhinac Bariga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.