Today: Sep 14, 2025

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ka mid noqotay Qorshaha isbedelka Qaran sida uu sheegay wasiirka Qorshaynta Soomaaliya.

11 months ago

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ka mid noqotay Qorshaha isbedelka Qaran sida uu sheegay wasiirka Qorshaynta Somalia.
“Sharaf weyn ayey ii ahayd in aan soo xiro kulamadii wadatashiga ee diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaran ee labada maalmood ka socday Muqdisho oo ay ka soo qeybgaleen wakiillo ka socday maamulka SSC Khaatumo, oo ay ku jiraan Wasiirrada Qorsheynta, Waxbarashada, iyo Maaliyadda, iyo sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Kulammadan muhiimka ah ayaa ah tallaabo lagama maarmaan ah oo lagu hubinayo in Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ) uu noqdo mid loo dhan yahay, isla markaana ay Soomaaliya cagta saarto waddada horumar waara oo waxtar u leh dhammaan bulshada.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.