Today: Sep 14, 2025

Wasaarada arimaha gudaha federalka iyo Dawlada Hoose ee laascaanood oo adeega diiwaan galinta ka fuliyey maamulka degmada

11 months ago

Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka iyo  SSC-khatumo oo kaashanaysa Dowlada Hoose Degmada Laascaanood ayaa daahfurtay Adeega Dad Dhigista iyo Diwaan Gelinta Xaaladaha Madaniga ah.
Waxaa Xaflada  ka soo Qayb Galay La taliyaha Madaxweynaha Xuseen Xaashi Xasan, Agaasimaha Guud Wasaradda Arrimaha Gudaha Cabdisalan iman Cali, Agaasimaha Guud Wasarada Caafimaadka Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Axmed, Guddoomiye ku Xigeenka Golaha DeegaankaDegmada laascanood axmed Maxamud Cumar
Adeegan ayaa si Toosa looga faa,idaysan Doona Xaalada Diwan Gelinta Madaniga ah oo Digital ah kaaso lagu Diwaan Gelin Doona Dhalashooyinka , Dhacdooyinka kale Sida Guurka, dhimashada iyo Arrimaha Degaanan Shaha Dadka ajaanib ka ah.
Adeegan oo ah mid casri ah ayaa fududayn Doona Arrimaha Diwaan Gelinta Madaniga ah iyadoo adeegan Casriga ah uu Midayn Doona Dhamaan Dhalashooyinka ay bixiyaan Dowlaha Hoose Ee Dalka oo Dhan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.