Gudomiyaha xidhiidhka ciyaaraha kubada cagta ee dagmeda Taleeh Cabdulqaadir Cabdurashid oo ay weheliyaan mas’uuliyiin Degmada Taleex Abdicasiis Ali Adde iyo ku xigenka degmada Mahamed Awil Diiriye ayaa bilaaabay wajigii ugu horeeyay ee tababarka ciyartoyda degmada Taleeh ay ugu diyaar garoobayeen tartanka degmoyinka SSC-khaatumo dhawaan ka qabsoomi doona caasimada mamulka ssc-khatumo Laascaanood . cayaartoyda degmada taleex ayaa rajaynaya in ay ciyaar wanaag iyo guul la soo noqon daan, cayaaraha ayaa xoojiya nabada iyo is dhexgalka bulshooyinka cayaaraha noocay doonaan ha ahaadeen waxay maskaxda dhalinta soo koraysa kor u qaadaa kuna dhiiri galisaa xaga wanaaga in ay wax walba ka eegaan, mamulka SSC-Khatumo ayaa xooga saara si ay dhalintu u hesho garoomo iyo tababaro xirfad u leh kor u qaadida cayaaraha degaanka.
Degmada taleex oo isu diyaarinaysa koobka cayaaraha maamulka SSC-Khatumo
