Ciidamada ssc khaatumo gaar ahaan Jiida hore ee Gobolka togdheer ayaa goor dhawayd qabtay nin looga shakiyey in uu xuuraan ahaa, kaasi oo lagu qabtay baliga Maskax-buqle.
Taliyaha Ciidanka ssc Khaatumo ee Gobolka Togdheer Farxaan Mohamud oo goor dhawayd la hadlay warbaahinta ayaa ii xaqjiiyey in la qabtay ninka basaaska ah loona soo gudbiye taliska Ciidanka si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo.
Maleeshiyaadka somaliland ee ku sugan Qorulugud ayaa bilaabay Mudooyinka weeraro dhuumasho ah ka dib Markii looga adkaaday dagaal Kasta ay isku dayaan in ay soo abaabulaan.
Ciidamada ssc khaatumo ee Gobolka ayaa Guud ahaan Hada ku jira heegan Buuxa Waxayna diyaar u yihiin inay ka jawaabaan is maqiiq kasta gaadmo ah ama dagaal ah oo maryo-calastu soo maleegayso.
Ciidanka Maskax-Buqle ku sugan oo qabtay Nin looga shakiyey Basaasnimo.
