Waxaa beri hore jiray baa la yidhi nin inan layaal ah(ninka la degan reerka uu gabadha ka qabo), Wuxuu ahaa ahaa nin muuqaal ahaan xoog wayn sida caadada soomaaliyeed ahayd berigii horana aad u xishood iyo qadarin badan gaar ahaan reerka uu xidika la yahay ee uu gabadha ka qabo.
Wuxuu ku jirey horaantii arooska waxaa weli u gan-gaanaa aqalkii waynaa ee loo dhisay, Walowba dhaqankeenii hore ahaa mid ay ku dheehnayd xushmad iyo kala xishood hadana dhalinyarada waqtigaa jirtey waxaay uun ahaayeen dhalinyaro,si ka gedisan dadka waawayn ayeey u looli jireen ama isku dhaafin jireen howl maalmeedka.
Tusaale ahaan marka arooska ciyaartiisa lagu kala dareero waxay dhalinyaradu hadana ku sii mashquuli jireen kuurgal iyo xan-dhagaysi ku wajahan reerka cusub ee arooska ah, si markaa looga helo xog aan lawadaagi karin laakiin dhalinyara ugu filan khibrad iyo kaftan maalmeed.
Intii dhegta la soo saaro aqalka arooska yacaygiisa dambe ayaa xan-shashaqa lamaanaha ee gudaha ka socda dhalinyaradu ka samayn jireen sheeko dhamaystiran oo ay fiidkii geela hortiisa markay dhuxulo dhabataysanyaan kuu loolaan.
Hadaba waxaa dhacdey in ninkii inan layaalka ahaa xaaskiisii cusbaa ay gabdhihii geyaankeeda ahaa markay waraysteen imtixaanaad badana mariyeen ay cadaatey inuu ku fashilmay si kastaba ha u dhacdeen shaqadii laga rabey inuu dhamaystiro isbuuca hore ee arooska.
Xanbadan iyo af isa saarsaar uusan inan layaalku ka warhayn baa ardaayada habaynkii dhalintu ku caano cabaan, Waxaa deegaankii oo dhan xushay in sayga cusubi uusan ahayn barbaar howshan adag ka bixi kara.
Waxaa reerka uu inan layaalku gabadha ka guursadey ku jirtay islaan beri hore reerka u dhaxdey kana soo jeeda qabiilka inan layaalka sheekaduna soo gaadhey laakiin waydey si ay ugu sheegto aadna uga cadhootey xanta suuqa ugu jirta ninka reerka la xididey.
Iyadoo arintii halkaa marayso ayaa maalintii dambe reerkii inanlayaalku la xididay col galey Waxaa cidhibta lagu dhuftey wixii geel ahaa ee reerku lahaa gaane iyo irmaanba.Qaylo dhalaankii baa isu yeedhay war geela dhacshaay!! war geela dhacsheey!! Inan layaalkii baa qori rayfal ah oo uu markii hore gabaati u bixiyey laguse soo ceshay intuu halkan kala boodey kiishad ay xaagaa rasaasi ugu jirtayna xidhay xaaskiisii cusbaa intuu ka talaabsadey kula sii dardaarmey hadaan soo noqon waayo reerkii waa kugu adiga.
Markuu qol-qolka kasii wareegayeyba islaantii ay isku beesha ahaayeen oo beryahanba raadinaysay baa intey hor istaagtey ku tidhi war xagee u ordaysaa, Intuu Deg-deg ku dhaafey isagoo qoriga amaanka ka sii furaya ku yidhi, Miyaadan ogayn waxa dhacey in geelii reerka aan xididka la ahay xaley la dhacay ma fadhi baa yaala, Intey hadana hor istaagtey bay ku tidhi, War geela ragii lahaa baa jooga oo dhacsanayee adiga shaqo kalaa ku taala ee ee shaqadaada qabso(xantii suuqa u taaley bay dareensiinaysaa oo ay leedahay war gurigaaga ku noqo oo gabadha arooska aad u ahaydcabashaa ka timid).
Waxaan sheekadan uga socdey oo igu kalifay inaan waqtigaa badan idinka qaado, Waxaa noo muuqda rag waxii ogaa dhacay oo ilaa hadda doonaya in ay fikirkii ahaa hebelow “Foof oo soo hooyo” wada iyo madax dhamaqeed doonaya shaanbad ay dadka ku dhibaateeyeen wali wata oon kaba waantoobin waxii ay degaanka iyo dadka kula dhex jireen ee bur-bur iyo kala irdhaw degaanka u keenay.
Haddaan la miyirsan oon la ogaan in degaanka iyo dadka aydin ka dhaxlin Aabayaashiin waxaa iman doonta maalin dhaw in la yidhaa Hebelow raaskaaga ayaad madax dhaqameed u tahay cid kalena afkooda kuma hadli kartid , markaa danta iyo magac iyo maamuusba waxay ku jirtaa in maamulka wax lagu yahay ee maamulka lala shaqeeyo.