Xaflad Balaadhan ayaa loo Qabtay arday ka Qalin Jabisay Mu’asasada Daarul- Bir ee Buuhoodle Waxaana ka Qalin Jabiye in ka badan 130 arday aqoonta degaanka SSC-Khatumo ayaa kor u kac balaadhan ka samaysay degaaamo badan marka nabad la helo ayaa waxbarasho la helaa ayaa halku dhig u ahayd ardaydan waxbarashada dhamaysay qayb ka mid ah iyagoo badankoodu sheegay in ay sii wadan doonaan aqoon dheeri ahna in ay helaan ku talo jira.
Waxbarashada ku saabsan diinta iyo cilmiga maadiga ayaa isugu jira kuwo dad muxsiniin ah ku caawiyaan iyo qaybo loo lee yahay si gaar ah, waxayna ka midaysan yihiin aqoonta da’ yarta soo koraysa in kor loo qaado iskuulo aad u tiro badan ayaa mandaqada ka jira una baahan in la mideeyo aqoonta ay bixiyaan si ardaydu isula jaanqaado,
Wasaaradda waxbarashada SSC-Khatumo in ay keentay manhajka dawlada dhexe si la isugu jaangooyo culuunta ardaydu qaadato, taas oo hadda si habsami ah degaamo badan looga hirgaliyey.