Today: Sep 14, 2025
11 months ago

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa aad ugu hawlan sidii loo kordhin lahaa ciidamada booliska si ay ugu adeegaan bulshada oo dhan. Ciidanka Booliska SSC waxay iibsadeen baabuur ay leeyihiin ciidanka booliska si ay ugu adeegaan bulshadana u ilaaliyaan, si degdeg ahna ay uga hortagaan dhacdooyinka dhacay, isla markaana ay ka hortagaan sharci darada. Istaraatiijiyadani waxay ilaalinaysaa nidaamka deegaanka; carruurtu waxay aadi karaan dugsiga si ammaan ah; ganacsatadu waxay arrimahooda ku dhex wataan suuqa iyagoon walaac ka qabin.

Waxaa muhiim ah in aan halkan ku nuux-nuuxno in dhaqaale ay ka helaan Bankiga Adduunka, EU iyo Qaramada Midoobay oo kab ah, aysan dowladda Soomaaliya wax mashruuc ah oo dib u dayactir ah ka bilaabin deegaanada SSC-Khaatumo, taasoo khatar ku ah dadka deegaanka. Arintan ayaa ah mid aad u muhiim ah iyadoo Somaliland oo ah dhul aan la aqoonsanayn oo aan la ictiraafsanayn qabyaalada ay ka bilaabmeen dagaal khasaare baaxad leh u gaystay dhaqaalihii iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee muhiimka ahaa sida Cisbitaalada,Dugsiga,Biyaha iyo Korontada,kuwaasi oo dhawr jeer lala beegsaday laguna burburiyay. , taasoo keentay khasaare laxaad leh oo soo gaadhay nolosha aadanaha.

Dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo gobolada ku dhow dhow ee SSC-Khaatumo ayaa ku caan baxay hawlkarnimo iyo isku duubni iyadoo la eegayo sidii ay isku garab istaagi lahaayeen dhibaatada haysata, isla markaana ay si wada jir ah uga wada shaqayn jireen dhammaan mashaariicda wada jirka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.