Degaamo badan ayaa raxmaadkii Eebbe ka curtay degaamo badan dhinaca Sool iyo hawdka Togdheer iyo dhulka gamaha roob waxuu ahaa biyo dhigay oo ber yahan kulayl badan jiray Caawa ayaa ilaahay shubay raxmaadkii inta badan baraagaha Buuhoodle biyo badan ayaa galay waliba roobku dhul badan buu ka da’ayaa ilaahay Mahadii raxmaadka ilaahay shubay
Illaahay ayaana arkaya noolihiisa bili-aadan iyo Xawayaan haraadka haya waa nimcadaas shubay, cawska ayaa gabaabsii ahaa iyo dabaylo badan oo dhulka saameeyey ayaa saaka arkaysa dhulka oo qurux badan iyo nolol soo ifaysa kolkaad eegto sida biyo dhigu u sameeyey hay’addaha abaaraha saadaaliya ayaa ber yahan waday digniino ah in ay jiri doonto roob la’aan laakiin Illaahay kama dhigin xilligan la joogo dayrtu waa bilow iyo barwaaqo ifafaalaheedu muuqdo.