Dib-Qarax-Jidbaale:- Garaad Cabdilaahi Garaad Saleeban Garaad Maxamed Oo Booqday ciidanka Jiidaha hore ee G/Sanaag ee Dib-Qarax.
Garaadka ayaa Ciidanka Difaaca ku dhiiri geliyey inay mar walba garab taagan yihiin. safarka garaadka ayaa waxuu ku lug lee yahay Shir dadka reer Sanaag ku qabsan doonaan degmada Fiqi-fuliye ayaa halkaas ergooyin badan ku sugan yihiin iyo qaybo kale oo la sugayo.
Booqashada ciidanka SSC-khatumo ee garaad cabdillahi ayaa ah dhiiri galin ciidanka iyo ogaansho baahiyaha ka jira degaanka balaadhan ee gobolka sanaag, maamulka SSC-khatumo ayaa ku jira wax ka qabashada arimaha asaasiga ee shacabku u baahan yahay, oo hadda laga wado sida dhakhtarka fiqiga oo qalabayn iyo balaadhin baaxad leh gacanta lagu hayo , ceelal biyood iyo waxbarashada dhalaanka oo kor loo qaadayo taas oo ay shacabka degaanka iyo maamulka isku garab sanayaan.
shirka fiqiga ayaa furmi doono ayaamaha soo socda iyada oo amuuro badan lagu gorfayn doono sida xoojinta Amniga, horumarka, iyo is dhexgalka bulshada.