Today: Sep 14, 2025

Puntland waxay doonayso way og tahay laakiin raga Cimaamada la huwiyey ee la galbinayo ma og yihiin waxay doonayaan?

12 months ago

Tobanka Xildhibaan ee federalka wax aan ahayan oo Puntland maamulkeedu doonayaa ma jirto haddaba odayada doonaya in ay u garab gorayeeyaan si hawshaasu ugu hirgasho waa kuwo aan dareen sanayn meeshii laga keenay maamulka SSC-Khatumo ee dhisan ama dareenkoodu hooseeyo kuna buraarugsanayn dhibaatada ay keeni karto marka guryo reero kale la dhiso degaankii rasmiga ahaana laga dhigto meel sandareero iyo magac iyo maamuus lagu raadsho xagee lagu arkay madax dhaqameed ahmiyadoodu tahay Ana hala imaano oo Go’ shaal ah hala i saaro dadka kale oo dhana hala jaa’ifeeyo.

Caruurta ayaa tidhaa Aabbe aniga ayuu i jecel yahay, laakiin ciyaalku iyagaa iskala jeclaysiiya Aabbhood, waliidku maka la jecla caruurtooda. Hadda waxaa muuqata rag waaweyn oo midba ka kalena lee yahay Hebel ma isoo hadal qaaday, sidii Ilmo yar oo Aabihiis ka doonaya kalgacal, sida hadda wax u socdaan waa in degaanka lagu celiyo in Somaliland dhulka soo gasho iyagoo colaad qaba burbur kii ay gaysteen mid ka xoog badan dadka iyo degaankaba u gaysta, iyo Puntland oo siday ahaan jirtay ku wada socda siyaasad ahaan, degaanka u sheegata af-ahaan kuna gorgortama Soomaalida dhexdeeda iyagoo kuraasta federalka u magacowda kuwo damiir laawayaal ah iyo waxmagarato fikirkoodu dhaafsiinayn Qado ay maalin meel ka cunaan.

Waa in si wacan la isugu badheedho loona sheego raggan doonaya in ay maamulka dhibaateeyaan in aan indhaha laga qarsan doonin, waxa kaliya ee maamulka SSC-khatumo looga baqayaa ma aha cadow meel kale ka soo dhibaateeya waa odayaal damiirku ka dhintay oo moodaya in ay Aabayaashood Dhulbahante ka dhaxleen, aana dareensanayn in ixtiraam loo hayo Cimaamada u saarana ay tahay maamuska ay dadkooda ku dhex joogaan ku joogaan, ragga kalena aysan waxba dheerayn.

Haddaba waxaa Jamaahiirta iyo haweenkaba la xasuusinaysa in la doonayo in lagu ciyaaro noloshiina, horumarkiina. Kuwiina maanta nool iyo jiilashiina soo socda. Ragii iyo dumarkii kibirka lagu laayey iyo dhalinyaradii ka dhiidhiday yaan dhiigoodu in uu bilaash u daadatay laga dhigin ee ilaashada maamulkiina, fikirka ah in aad qof meel ugu xidhnaataan maskaxdiinu ha ka sarayso qadiyad iyo maamul la kala dhaxlo baa la difaaca ee shaqsi beri tagaya ama geeriyoona lama daba socdo maamuul dhisan oo xoog leh oo la kala dhaxlo barbarka halaga istaago.

Madaxdda dawlad Goboleed yadda ka tirsan dawladda federal Soomaaliya ee soo gelaya Deegaanadda dawlad Goboleedka SSC khaatumo State waa in la ogtahay waxa ay u imanayaa oo uu dhigoodu og yahay imaatinkooda iyo sababaha ay u imanayaan deegaanadda dawlad goboleedka SSC khaatumo State. Hadii ay ka yihiin Madax dawlad Goboleed kale ee Soomaaliyeed waa in la ogaadaa ka hor inta aysan Iman dawlad Goboleed ka SSC khaatumo State. Shirar iyo cassuumado midna kuma qabsan karaan dhulka SSC khaatumo State iyaga oo ka tirsan dawlad Goboleed kale Hadii ay ku imanayaan shaqo la og yahay ama shir ama shirar lagu caasuumay oo ay marti u yihiin dawlad Goboleed ka SSC khaatumo State waa la soo dhawayn karaa. Inta ay joogaana amnigooda waxaa masuul ka ah dawlad SSC khaatumo State.

Sidoo kale, dawlada SSC khaatumo State waa in ay dhamaan xuduudaheeda oo dhan ay gaysaa ciidan ka hawlgala oo ilaaliya xuduudaha ay la leedahay maamul Goboleed ka “Puntland”. Taas dawlad SSC khaatumo State hubinayso cidda ka soo talaabaysa xuduudeedda.

Haddii Madaxweyne Deniga Puntland joojin waayo faro-galinta uu wado ka fursanmayso in ciidan khatumo la dulgeeyo Garoowe xaaladduu is badali karto waa dhamaatay xilliyadii dhibaatada xaga danbe laga soo abaabuli jiray, lana odhan jiray arinka idinka is haya oo dad degaanka u dhashay baa wada hadlaya anagu shaqo kuma lihin, afkaartii foosha xumayd ee ahayd Foof oo soo hooyo, waa dhamaatay, Odayga doonaya in maamulka khatumo la hoosgeeyo meelo kale waxuu u ollolaynayaa in uu ku celiyo degaankii la isku haystay, Puntland iyo Somaliland oo aan maamul u dhaxayn adna aad ka noqoto dad la isku haysto.

 

Jidbaalenews.

Leave a Reply

Your email address will not be published.