
Laasacaanood(Jidbaale.net) -Wasaaradaha caawa loo magacaabay agaasimeyaasha guud waxaa ka mid ah wasaaradda warfaafinta isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada maamulka SSc_khaatumo, taasi oo hore loogu magacaabay Wasiir cusub oo ah Wasiir Najiib Barkhadle.
Wasaaraddan ayaa loo magacaabay agaasimaha guud Eng. Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi kaasi oo loo magacaabaya Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Teknoolojiyadda iyo Isgaadhsiinta.
Eng Cabdiraxmaan waa khabiir bartay cilmiga tignoolajiyada iyo sigaadhiinta.