Today: Sep 14, 2025

Maxay Ka Shireen Culimada Ictisaamka Ee Guud Ahaan SSC-Khaatumo, Oo Laasacaanood Shir ku Yeeshay Maanta?

12 months ago

Laasacaanood (Jidbaale.net) – Magaalada Laasacaanood waxaa maanta lagu qabtay shir ay yeesheen culimada Deegaaka SSC-Khaatumo kaasi oo ka dhacay xarunta machadka Furqaan.

Shirkan waa mid sannadle ah, oo lagu qabto deegaanada SSC-Khaatumo, Sida la sheegay shirkani waxa uu ahaa shirkii koobaad ee ay qabtaan culimadu ka dib dagaaladii 2023 ee guul darradii weny u xanbaariyay maamulha Hargeysa. 

Waa shir u gaar ahaa culimada deegaanka SSC-Khaatumo sida lagu shaaciyay ciwaankiisa.

Xubno ka qayb galay shirkan oo ka mid ahaa culimada shirkan xaadirtay ayaan xidhiidh la samaynay.

Kuwaas ayaan ka xaqiijinay in shirkan lagaga hadlay shaqooyinka ay gacanta ku hayaan culimadu sida Waxbarashada, xoojinta dacwada diinta, iyo horumarinta arrimaha bulshada. In maamulka la garab istaago iyo wacyigalinta guud ee deegaanka. 

Shirkan oo bilowday galinkii hore ee maanta ayaa waxaa ka qayb galay wadaado ka yimid  degaanadda SSC-khaatumo qaarkood . 

Shirka iyo muhiimadda uu haatan u leeyahay deegaanka ayay bulshadu is waydiiyeen.  

Waxa ay sheegeen in shirarka noocan ah ay dowladnimada u horseedayso dhabbo wanaagsan.

in culimada deegaanka iyo dowladda SSC-Khaatumo ay si dhow isaga war hayaan ayaa inaya aad loo amaanay.

Geesta kale shirkan waxaa lagu soo bandhigay cilmi baadhisyo gaadhaya ilaa 12 daraasadood, kuwaas oo qiimayntoodu soo bilaabantay sanadihii u danbeeyay.

Si kastaba, shirkan oo aad looga falceliyay ayay bulshadu soo dhawaysay. halka dadka qaarkood ay magaca ciwaanka oo ahaa shirka culimada dood ka soo celiyeen iyaga oo u aanaynaya shirkan wadaado gaar ah.

In culimada deegaanku isu timaado, aayahooda ka hadlaan, waxbarashada wax ka yidhaahdaan, dowladda tageero ku darsadaan, isku tashiga bulsho xoojiyaan, midnimada deegaanka ilalaiyaan, wacyigalinta ka qayb qaataan, haayadaha danta guud u diran ugu horreeyaan ka qayb qaadashadooda,dhamaan waa wax laga sugayay culimada deegaanka guud ahaantood, waxayna qayb katahay horumarka bulshada SSC-Khaatumo ee haatan horusocodka ah.

Ugu danbayntii shirkan ayaa lagu soo afmeeyay oo la isla qaatay 

1. Qiimaynta Xaaladda Dacwadeed ee deegaanka

2. Ka qayb qaadashada wacyigalinta bulshada

3. Qiimaynta heerka waxbaris ee ka jirta deegaanka iyo halka la la doonayo in la gaadho.

 Qodobbadan iyo kuwo kale ayaa ka soo baxay shirka. 

Culimadan maanta ku shirtay Magaalada Laasacaanod, wakhtiyadii dagaalka lagula jiray Somaliland qaarkood ayaa si adag uga hadlay dagaalka, iyaga oo tilmaamay in Somaliland ay dulmi waddo oo dulki ku dagaalamayso, dadka deegaankuna ay naftooda difaacaan oo jihaadaan. Waxaana ka mid ahaa culimada sida adag uga hadlay Sheekh Maxamed Addaan weli oo waagas jeediyay qudbad soo jiidatay dhammaan dadka deegaanka oo ay ka mid ahaayeen waan guulasanayaah.

 

si kastaba ha noqotee shirkan ayaa ku soo beegmaya laba sano kadib geeridii Caalimkii weynaa ee Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed, oo dacwada diinta islaamka ee deegaanka SSC-Khaatumo wakhti iyo juhdi badan galiyay. culimadan maanta ku shirtay magaalada laasacaanoodna sheekheeda ayuu ahaa Sheekh Cabdinaasir.

 

weli lama garanayo cid beddashay booskii Sheekha maadaama uu’aha guddoomiyaha dacwadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.