Today: Sep 14, 2025

Maxaa Lagaga Hadlay Shirka Khamiislaha Ee Golaha Fulinta Maamulka SSC-Khaatumo? + Sawirro.

12 months ago

Laasacaanood(Jidbaale.net) – Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka golaha fulinta ee Khamiislaha ah oo ka qabsoomay qasriga madax-tooyada maamulka SSC-Khaatumo.

Kulankan oo soo bilowday barqadii maanta ayaa lagu faaqiday howlaha hor-tabinta u leh golaha filinta maamulka SSC-Khaatumo iyada oo aad loga dooday qodobbada muhiimka ah ee haatan wax qabadka u baahan Isla markaana horyaala golaha fulinta maamulka SSC-khaatumo.

Ugu horrayn shirka ayaa lagaga dooday xeerka shaqalaalaha rayidka ah oo uu soo gudbiyey wasiirka wasaaradda Dhallinyara, ciyaaraha, Shaqada iyo shaqaalaha Maamulka SSC-Khaatumo Dr Jaamac Maxammed Mursal.

Sidoo kale waxaa dhankooda warbixin laga dhegaystay guddi hoosaadyada kala duwan ee Golaha Wasiirrada.

Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa golaha fulinta maamulka kula dardaarmay dardargalinta howlaha muhiimka ah ee u baahan wax kaqabashada. 

Sidoo kale goobjoogayaal ku sugnaa goobta shirku uu ka qabsoomay ayaa soo sheegay in wax la’iska waydiiyay wasaaradda qorshaynta oo dhawaanahanba ay ka soo baxayeen digreetooyin dhawr ah.

Ugu dambayn Golaha fulinta maamulka SSC-Khaatumo ayaa  isla qaatay magacaabista guddida Xakamaynta Hubka oo Kala ah:

Kuwaas oo kale ah.

1. Wasiirka Amniga (Gudoomiyaha Guddida)

2. Wasiirka Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta.

3. Wasiirka Howlaha Guud Gaadiidka iyo Dib u Dhiska.

4. Wasiirka Caddaaladda , Arrimaha Diinta iyo Dastuurka

5. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

6. Wasiirka Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada.

7. Wasiirka Caafimaadka.

8. Taliyaha Ciidammada Daraawiishta SSC-Khaatumo.

9. Taliyaha Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.