Today: Sep 14, 2025

Dilkii Xalay Ka Dhacay Soonaha Gocondhaale Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Jiidaha Gobolka Cayn.

12 months ago

Dilkii Xalay Ka Dhacay Soonaha Gocondhaale Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Jiidaha Gobolka Cayn.

Buuhoodle(Jidbaale.net) – Xalay abbaare 7:00 fiidnimo xilliga geeska Africa ayaa Ciidammada Somaliland iyo mallayshiyo beeleed taabacsan maamulka gooni-goosatada Somalidiidka ah ee Somaliland ayaa weerar gaadmo ah waxay ku qaadeen ciidanka daraawiishta SSC-Khatumo ee taliska gobolka Cayn.

Markii hore Sida wararku ay sheegayaan, ciidanka Somaliland iyo huwanta malayshiyada ah ee taabacsan ayaa qorshahoodu ahaa inay dooxato ama gaadmo ku laayan Ciidanka daraawiishta SSC-Khaatumo ee taliska gobolka Cayn, hayeeshee sida wararku ay sheegeen waxaa laga’il horreeyay ciidankii Somaliland iyada oo intaa ka dib xabaddu ay toos u bilaabantay, il ka’aragti ayaa la’isu tooganayay xilli xabbadu ay ahayd Af-galis.

Dad ka agdhow furimaha howdka oo xog-ogaal ah ayaa majaladda Jidbaale.net  u sheegay in Ciidanka Somaliland iyo huwanta malayshiyaadka ah ee taabacsan laga caydhsaday goobtii ay xabaddu ka bilaabantay isla markaana dib loogu celiyay aaggii ay ka soo abaabuleen qorshahan dhicisoobay.

Inta la’ogyahay qasaare nafeed ayaa ka dhashay rasaas toos ah oo labada dhinac ay isku adeegsadeen kadib markii ay isku soo jirsadeen meel ka dhow inta dhagaxa tuuryada ahi gaadho. Xabadahaas nool nool ee dhinacyadu ay isku rideen waxaa ku dhintay laba ka tirsanaa malayshiyaadka huwanta ah ee taabacsan Ciidanka Somaliland. 

Waxaa la’arkayay dad ka soo jeeda gobollada dhexe ee waqooyiga Soomaliya ama hadii si kale aan u dhigno Hargeysa iyo Burco oo tacsi Barana Bulshada u marinaya labada ruux ee ku geeriyooday is rasaasayntii xalay ka dhacday jiidaha gobolka Cayn kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsanaayeen garabka malayshiyaadka hubaysan ee taabcsan Somaliland kuwaasi oo ka soo jeeda beeldha Isaaqa.

Maamullada Somaliland iyo SSC-Khatumo ayaan weli ka hadlin xaaladdii dilka iyo weerarka ahayd ee xalay ka dhacday furimaha howdka oo muddo ka badan hal sano ay isku horfadhiyaan labada dhinac.

Dadka deeganka maamulka SSC-Khatumo ee ka’agdhow soonaha Buuhoodle aya warbaahinta Maxalliga ah u sheegay inay difaacayaan deegaankooda isla markaana ay si wada-jir ah isaga qabanayaan cid kasta oo soo handada deegaankooda iyaga oo sheegay inaanay jirin habayaratee cid ay weerar ku yihiin dhankooda.

Si kastaba ha noqotee xaaladda jiidaha howdka, ayaan saaka laga soo sheegin wax dhibaato ah. inkastoo xalay dhinacyadu ay sameynayeen dhaqdhaqaaqyo xoogan iyo is uruursi ciidan oo loo fasiran karayay dagaallo halkaasi ka dhaca waberiga oo ay isla sugayeen darafyadu.  hayeeshee saaka xaaladdu waxay noqotay mid nabdoon mana jiraan qasaare deegaannadaasi laga soo sheegay.

Deegaannada u dhexeeya Buuhoodle iyo Qori-lugud oo ah labada magaalo ee ugu saamaynta badan howdka ee ay ku kala sugan yihiin darafyadu ayaan nabdoonayn waxaana inta u dhaxaysa labadaas magaalo iyo hareerahooda ku yaala wax kabadan 10 talis ciidan oo rug fadhi ah Somaliland iyo SSC-Khaatumo waxaana xaaladda deegaanadaasi ay faraha ka bixi karma xilli kasta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.