Laasacaanood(Jidbaale.net) – Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud: Cabdiqaadir Axmed AwCali ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo hagaamiyuhu Ła yeeshay saraakiisha taliska ciidanka Booliska SSC-Khaatumo gaar ahaan qaybta gobolka Sool.
Shirkan ayaa u jeedkiisu ahaa u kuurgalka amniga caasimadda iyo sidii loo sii dardargelin lahaa amaanka guud ahaan caasimadda mamulka SSC-Khaatumo ee magaalada Laasacaanood.
Ugu horrayn taliyaha ciidanka Booliska SSC-Khaatumo S/G Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa ka warbixiyey guud ahaan amniga deegaannada SSC-Khaatumo iyo sida hagar la’aanta ah ee ay Boolisku heegan ugu yihiin ilaalinta amniga shacabkooda isla markaana Boolisku uu sabab u yahay in maamulka SSC-Khaatumo uu noqdo guud ahaan deegaanka ugu amniga badan geyiga Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay taliyaha ciidanka Booliska SSC-Khaatumo Siyaad Maxamuud.
Ugu dambayn Hoggaamiyaha ayaa Booliska ku boorriyey shaqo wanaagga iyo sugidda ammaanka guud ahaan deegaannada maamulka SSC-Khaatumo gaar ahaan ammaanka caasimadda magaalada ee laasacanood.
Sidoo kale Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa xusay in ay dhawaan ay ka shaqayn doonaan sii tayeynta iyo qalabaynta ciidanka Booliska SSC-Khaatumo si uu u noqdo mid Soomaalidu kaga dayato tayada iyo shaqo wanaagga.
Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo ayaa tan iyo dhismihii maamulka SSC-Khaatumo waxa ay ku guuleysteen sugidda ammaanka guud ahaan deegaannada SSC-Khaatumo gaar ahaanna ciidanka booliska SSC-Khaatumo ayaa si heer sare ah u sugay amaanka caasimadda ee laasacaanood iyaga oo sameeyay howlgalo loogu kuurgalayo amaanka guud ee caasimadda.
Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo ayaa ka kooban laamo kala duwan oo si guud u wada ah Booliiska SSC-Khaatumo hayeeshee magacyada iyo shaqooyinku u kala duwanyihiin.
Waxaa ka mid ah ciidanka gaarka ah ee Xasilinta ama Birmadka kuwaasi oo gacan bir ah kula dagaalama maandooriyaha Khamriga iyo wax kasta oo halis ku’ah amaanka caasimadda maamulka SSC-Khaatumo.
si kastaba ha noqotee kulankan uu hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Mudane Abdiqaadir Ahmed Aw-Cali la yeeshay saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo maaha kii ugu horreeyay, horay hogaamiyaha ayaa kulamo ula yeeshay saraakiisha ciidanka qalabka sida ee maamulka SSC-Khaatumo qaybahooda kala duwan.