Laasacaanood(Jidbaale.net) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada , hiddaha iyo tacliinta sare ee maamulka SSC-Khaatumo Mud.C/Xakiim Jaamac Dalmar ayaa xilka u kala wareejiyey maamulihii hore iyo maamulaha hadda ee dugsiga hoyga Laascaanood .
Dugsigan oo ah goob waxbarasho oo dan guud ah oo ku yaala magaalada Laasacaanood ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray buuq la xidhiidha nidaamka shaqo ee dugsiga iyo maamulkiisa.
Horraantii, wasaraadda waxbarashada ayaa dusigan amar uga soo saartay iyada oo wasaaraddu ay sheegtay in la xidhahayo gebi ahaanba dugsiga hoyga laasacaanood.
Bayaankaas waxaa ka horyimid macalimiinta dugsiga hoyga Laasacaanood oo gaadhaya ilaa 14 macallin. macalimiintu waxa ay ka cabanayeen maamulaha dugsiga hoyga Laasacaanood oo ay dalbadeen in laga baddelo.
Wasaaradda waxbarashada SSC-Khaatumo ayaa dabayaaqadii bishii Agoosto baddashay maamulihii hore isla markaana ka laabatay go’aankii lagu xidhayay Dugsiga Hoyga Laasacaanood.
Dugsigan ayaa waxaa dhistay haayad galbeed ah taasi oo keentay qalabka jiifka iyo nidaamka ardayda wax loo barayo Isla markaana gacanta ku haysay maamulkiisa.
Goortii uu dhacay dagalkii Somaliland iyo SSC-Khaatumo 2023 waxaa uu boodhinka Laasacaanood noqday Goob dagaal iyo talis ciidan waxaana gabi ahaanba ka qaxay ardaydii dhigan jirtay macalimiintiina waxa ay ka mid nodeen dadka deegaanka ee iska difaacay dulmigii Somaliland.
Kadib markii uu dhamaaday dagaalkii Laasacaanood ayaa dib loo furay dugsiga hoyga laasacanood.
Waxaana wax ku barta arday tiro badan oo reer SSC-Khaatumo kuwaasi oo ka kala yimid dhammaan deegaanada maamulka.
Maamulaha Cusub ee dugsigan ayaa ku soo baxay tartan ay u qabatay Wasaaradda waxbarashadu dhalinyaro aqoonyahano ah oo booskan u soo tartamey. Wasiirka ayaa u mahad naqey shaqadii adkeyd ee uu soo qabtay Maamulihii hore ee dugsiga hoyga Laascaanood Jaamac Xuseen Bullaale.
Ugu danbayn wasiirka wasaarada waxbarshada hiddaha iyo tacliinta sare ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay labada maamule.
waxa uuna hadda ka dib dugsiga hoyga Laasacaanood uu u shaqayn doonaa si toosa oo ay ardaydu subax walba xaadiraan waxbarashadooda.