MUQDISHO (JIDBAALE.NET)- Xoghayaha fulinta IGAD Dr. Workneh Gebeyeh iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan IGAD ayaa maanta gaadhay magaalada Muqdisho Iyaga oo ka degay garoonka diyaradaha ee Muqdisho, maalin uun kadib markii ay Itoobiya, Suudaanta Koonfureed iyo Jabuuti saxiixeen dibu qaabeynta cusub ee Urur gobaleedka IGAD.
Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay wafigan, iyagoo la kulmi doono Madaxweynha JFS iyo madaxda sare ee dalka.
IGAD ayaa Soomaaliya kala hadlaysa xiisadda gobalka sidii xal loogu heli lahaa, waxaana kulankan ka horeeyey mid Kenya kudhexmaray Xoghayaha fulinta IGAD iyo wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya todobaadyo kahor, kaas oo ay dhinacyadu is faham kaga gaadhaan is maandhaaf u dhaxeeyey.
Kooxaha Suudaan ku dagaalamaya, ayaa u sheegay madaxda IGAD in aysan kalsooni kuqabin dhammaan wadamada gobalka, marka laga reebo Soomaaliya, waxaana fashilmay isku dayo ay wadeen Jabuuti, Itoobiya, Suudanta Koonfureed iyo Sacuudiga.