
LAASACAANOOD(JIDBAALE.NET) -Hogaamiyaha mamulka SSC-Khaatumo Mudane Abdiqaadir Ahmed Aw-Cali oo maanta ka qayb galay munaasibadda sanadguurada 20-aad ee jaamacadda Nugaal University oo ay ku qalinjabinayeen arday dhamaysatay culuumta kala duwan ee heerka koobaad ee jamacdda ayaa munaasibaddaas ka hadlay isaga oo marka hore Hambalyo iyo Bogaaadin u jeediayay Maamulka iyo ardaydda jaamacadda Nugaal University waxa uuna uu ku amaanay doorka waxbarasho ee jamacadaaasi isaga oo hogaamiyuhu ku booriyayay in ay dedaalkoodda sii labalaabaan, sidoo kale Hogaamiyaha ayaa hambalyo u jeediyay gabdhaha SSC-Khaatumo oo heer sare kaga jira kaalmaha waxbarashada deegaanka, maadamaa oo dugsigii Sare 10-arday ee ugu sarreeyay guud ahaan ardayda SSC-Khaatumo ay 7 ka mid ah ahaayeen gabdho, sidoo kalana ardayda jaamacdda nugaal ee sanadkan qalinjabinaysa ay saddex gabdhood ugu sarreeyeen.
Geesta kale hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa hadaljeedintiisa uga fa’aaideystay inuu ka hadlo
Arrant shidaalka ee celka hol hol oo maalmahan dood ka taagnayd.

Hogaamiye firdhiye ayaa ayaa yidhi “Dalka Dowlad dhexe ayuu leeyahay, Dowlada Fedeaalka ayaa ka masuula Khayraadka guud ahaan , iyadaa iska leh Saxeexa cidda ay la geleyso iyo cidda ay siinayso , annagana waxaan leenahay in la inaka talo geliyo xuquuqdeenana la’inaka siiyo taasina waan ku haysanaa DFS, Hadii la’na siin waayana waxba socon maayaan “
Geesta kale Wasiirka Badroolka Soomaliya Cabdirisaaq Cumar ayaa waraysi ku sheegay in arranta shidaalka Holhol uu kala tashaday Madaxweynaha Khaatumo iyo Wasiirka badrdoolka maamulka Khaatumo sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Abdirisaaq Cumar.
waa markii ugu horraysay ee hogaamiye Firdhiye uu arrinta ceelka holhol toos uga hadlo isaga oo taageeray heshiiska isla markaana sheegay in Dowladda Dhexe ay xaq u leedahay inay heshiisyo ku gasho khayraadka dalka.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaanka Sida Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa iyaguna ka soo horjeestay heshiiskan, geesta kale xubnaha baarlamaanka dowladda Khaatumo ayaa ku kala argti duwanaaday heshiiskan.
Si kastaba ha noqotee dadka SSC-Khaatumo ayaa doonaya in loo soo saaro shidaalka umadda Soomaliyeed se ay iyaguna helaan xuquuqdooda gaarka ah isla markaana laga tala galiyo madaxda mamaulka SSC-Khaatumo