LAASACAANOOD(JIDBAALE.NET) – Xaflad balaaran oo lagu maamuusaayay arday soo dhameysatay waxbarashadda heerka koobaad ee jaamacadda ayaa maanta lagu qabtay xarunta jaamacdda Nugaal Univerty ee magaaladda Laasacaanood.
Xafladaan oo ay ka qeyb galeen, Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Abdiqaadir Ahmed Aw-Cali, gudoomiyaha baarlamaanka maamulka SSC-Khaatumo Mudane Jaamac yaasiin Warsame, Maayarka magaalada Laasacaanood Abdrixiin Cali Qase. qaar ka mid ah wasiirrada iyo xildhibaannada maamulka SSC-khaatumo waalidiinta ardayda iyo qaar ka mid ah Isimmada deegaanka sida Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil .
Ardaydda dhamesatay Culuumta kala duwan ee Waxbarashadda heerka sare ah, ayaa waxay ka qalin jibiyeen Jaamacadda Nugaal University, oo sanadkan u dabaal dagaysa sannad guurada 20-aad ee aasaaska jaamacdda Nugaal university.
Ugu horeyntii waxaa munasabadaasi ka hadlay gudoomiyaha jaamacadda Nugaal University Prof Lafoole oo ka hadlay ujeedadda Munaasibadda isaga oo ka sheekeeyay heerka waxbarasho ee jaamacadda iyo maraxiiladii ay soo martay in ardaydda manta u fadhidda qalin jibinta waxaana uu oo soo dhaweeyay martisharafta ka soo qeeyb gashay, isagoo sidoo kale ka hadlay xagga waxbarashadda ee jaamacadda iyo doorka ay kaga jirto horumarinta dhanka waxbarashadda ee bulshadda SSC-Khaatumo gaar ahaan bulshada caasimadda Laasacaanood.
Sido kale waxaa iyaguna munasabada qalijabinta ka hadlay qaar ka mid ah ardaydii ka qalin jabisay jaamacadda, kuwaasi oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin Guulaha ay ka gaareen Heerka waxbarashaadda koobaad ee jamaacadda Nugaal University iyagoo xusay in ay sii wadi doonaan waxbarashadoodda inta ka dhiman.
Munaasabadaasi ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Hogaamiyaha mamulka SSC-Khaatumo Mudane Abdiqaadir Ahmed Aw-Cali isaga oo marka hore Hambalyo iyo Bogaaadin u jeediayay Maamulka iyo ardaydda jaamacadda Nugaal University waxa uuna uu ku amaanay doorka waxbarasho ee jamacadaaasi isaga oo hogaamiyuhu ku booriyayay in ay dedaalkoodda sii labalaabaan, sidoo kale Hogaamiyaha ayaa hambalyo u jeediyay gabdhaha SSC-Khaatumo oo heer sare kaga jira kaalmaha waxbarashada deegaanka, maadamaa oo dugsigii Sare 10-arday ee ugu sarreeyay guud ahaan ardayda SSC-Khaatumo ay 7 ka mid ah ahaayeen gabdho, sidoo kalana ardayda jaamacdda nugaal ee sanadkan qalinjabinaysa ay saddex gabdhood ugu sarreeyeen.
Geesta kale wasiirka wasaaradda waxbarshada maamulka SSC-Khaatumo Mudane Abdixakiin Jaamac Dalmar ayaa isna munaasibadda ka hadlay, Wasiirka ayaa sheegay in 10- arday ee dhawaan Ła shaaciyay inay galeen kaalmaha ugu sareeyaa ardayda ay iyagu shaqaysteen Isla markaana ay ku heleen deeq waxbarsho oo dalka Masar ah. Sidoo kale Wasiirka aya sheegay in ardaydii cabasho qabta ay yimaadaan dhismaha wasaaradda oo aysan u dhagtaagin dadka baranbogaandada fidinaya sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale waxaa goobta munaasibdda ka hadlay masuuliyiintii marti sharafta ahaa oo iuaguna dhiirrigaliyay ardayda inay sii labjibbaaraan dedaalkooda tacliinta isla markaana ay maamulkooda ku barbar istaagaan aqoontii ay barteen.
Jaamacda Nugaal ayaa sanadkan u dabbaal dagaysa sanad guarda 20-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska jaamacadda waxaana muddadaas jaamacda ka Walin jabiyay 13 dufcadood oo baraty culuumta kala duwan ee lagu barto jaamacadaha heerka koobaad.
Geesta kale ardayda maanta ka qalinjabisay jaamacadda ayaa soo bandhigay boodhah lagu sawiray ardaydii jaamacdda dhigan jirtay ee dufcaddan 13-aad kuwaas oo dagaalkii dhacay 2023 ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo dhexmaray ku geeriyooday.