Today: Sep 14, 2025

Madax-dhaqameedka SSC-Khaatumo oo saaka safar ugu ambabaxay gobollada Mudug iyo Nugaal.

1 year ago

Laascanood(Jidbaale): – Golaha dhaqanka  ee SSC-Khaatumo ayaa maanta safar ugu anbabaxay gobollada Mudug iyo Nugaal .

Ujeedka Safarkan ayaa ah wadatashi iyo xog iswaraysi iyo gacaltooyo loogu tageyo walaalihii garabka u noqday dadka SSC-Khaatumo xilligii adkaa ee ay Somaliland duqaynaysay magaalada Laasacaanood.

Safarkan ayaa ah wajiga labaad oo doorkan lagu tagayo gobollada Mudug iyo Nugaal, hore madax-dhaqameedka deegaanka SSC-Khaatumo safar muunayn iyo maamuus ah ku tagay gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag iyaga oo maray magaaloyin fara badan halkaasaad loogu soo dhaweeyay.

Waftigan oo uu  Hoggaaminayo Afhayeenka golaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo Garaad C/Salaan  ayaa maalmaha soo socda kula kulmi  doona deegaanada ay mari doonaan isimmada dhaqanka ee Harti.

Waftigan ayaa ka kooban  5 madax-dhaqameed  ayaa kala ah, mid yihiin Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Mukhtaar Garaad Cali, Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi Ciise, Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Garaad Cabdisalaan Xasan  oo Socdaalka hogaaminaya.

Golaha dhaqanka  ee deegaannada SSC-Khaatumo ayaa bayaan ay dhawaan soo saareen ku sheegay in la dardargalinayo wajiga labaad ee safarka mahadcelinta iyo bogaadinta walaalihii Harti ee gurmadka ku yimid gobolka Sool .  Sidoo kale Isimmada ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan soo dedejinta shirweynihii beelaha Harti oo qorshuhu yahay inuu ka qabsoomo Magaalada Laasacaanood.

Inkasta oo shirka beelaha Harti aan wakhtigiisa la cayimin, Hadana waxaa la filayaa inu qabsoomo dhamaadka sanadkan 2024.

waxyaabaha hordhhaca ah ee laga sii ogaaday shirka beelaha Harti iyo waxyaabaha uu ku saabsanaan doono ayaa ah sida beelaha Harti ay go’aan uga gaadhayaan xoojinta amniga iyo baayac mushtarka is dhexgalka bulshada iyo horimarinta degaanka nidaamka  maamullada Puntland iyo SSC-khaatumo ku wada shaqayn lahaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.