Today: Sep 14, 2025

SSC-Khaatumo oo ku guuleysatay Mashruuc-biyoodkii koobaad ee ay ka fuliso deegaannada.

1 year ago

GEED-DHEER(JIDBAALE.NET) – Wefti balaadhan oo uu horkacayo agaasimaha guud ee wasaaradda biyaha, tamarta iyo macdanta maamulka SSC-Khaatumo mudane Salmaan Aadan Xasan oo ay weheliyaan xildhibaan Maxamuud Cismaan Nuuryare “Budeeye” iyo xildhibaan Siciid Ibraahin Axmed, guddoomiyaha dagmada Widhwidh Cowke Cali Geelle, cuqaal iyo waxgarad kale ayaa magaalada Geed-dheer ee gobolka Sool ka dhagax dhigay ceel riig-biyood ah, oo markii ugu horraysay taariikhda ee ay yeelato magaalada Geed Dheer ee gobolka Sool. 

Odayasha iyo qaybaha kala duwan ee dadweynaha reer Geed-dheer ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada iyo wasaaradda biyaha, tamarta iyo macdanta maamulka SSC-Khaatumo dhagax dhigga ay u sameeyeen riig-biyoodka magalada Geed-dheer ee gobolka Sool.

Odayaasha xaajo-qaadka ah ee magaalada Geed-dheer  oo si weny u soo dhaweeyay Agaasimaha Wasaaradda biyaha, tamarta iyo macdanta maamulka SSC-Khaatumo  Mudane Salmaan Aaadan Xasan iyo labada xildhibaan ee kala ah xildhibaan Maxamuud Cisman Nuuryare “Budeeye” iyo xildhibaan Siciid Ibraahin Axmed ayay ugu horrayn odayaasha magaalada geed-dheer iyo maamulka Magaaladu uga mahadceliyeen dhagax dhiggan loo sameeyay Riig-biyoodka magaalada Geed dheer.

Ugu horranba qaar ka mid ah cuqaasha  deegaanka oo ku sugnaa magaalada Geed-dheer ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in maamulka SSC-Khaatumo gaar ahaan wasaaradda biyaha, tamarta iyo macdanta SSC-Khaatumo iyo Sidoo kale xildhibaannadii deegaanku ay soo gaadhaan magaalada Geed-dheer iyagoo waxqabad la shir yimid.

Sidoo kale maayarka dagmada WidhWidh Cawke Cali Geelle, oo ahaa masuuliyiinta goobta dhagax dhigga joogay ayaa isna ka mahdceliyay dedaalka Dowladda SSC-Khaatumo.

Geesta kale xildhibaan Maxamuud Cisman Nuuryare “Budeeye” Iyo xildhibaan Siciid Ibraahin Axmed  oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dowladda SSC-Khaatumo ayaa iyaguna goobta ka hadlay oo u mahadceliyay waxqabadka muuqda ee golaha fulinta maamulka SSC-Khaatumo.

 Ugu dambayntii waxaa hadaljeedinta madasha dhagax dhiga soo afmeeray Agasimaha wasaaradda biyaha, tamarta Iyo macdanta Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Salmaan Aadan Xasan oo sheegay in wasaaraddiisu ay ku farxsantahay dhagax dhiga riiga magaalada Geed-dheer ee gobolka Sool, sidol kale agasime Salmaan Ayaan sheegay in mashruucan ay la kaashadeen wasaaradda biyaha iyo tamarta ee XFS.   

Si kastaba ha noqotee riig biiyoodka magaalada geed-dheer ayaa noqonaya mashruucii koobaad oo biyo ah ee Dowladda SSC-Khaatumo ay ka fuliso deegaannada maamulka

Leave a Reply

Your email address will not be published.