BUUHOODLE(JIDBAALE.NET) -Wararka saaka naga soo gaadhaya deegaanka shangeed oo shalay uu ka dhacay isku tuur-tuur iyo dagaallo goosgos ah oo u dhexeeya ciidammada daraawiishta taliska gobolka Cayn ee SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland ee isku horfadhiya deegaanka Shangeed iyo Goblo-magan oo ah fadhiisamaha isu muuqda ee labada col ay ku suganyihiin ayaa xogaha aan helayno waxay sheegayaan in saaka xaalad ahaan aysan ka jirin wax shiddo ah.
Inkastoo labada Ciidan ay weli is horfadhiyaan xilli kastana xaaladdu ay faraha ka bixi karto, haddana wararka saaka laga helayo furimaha hore ee u dhexeeya Qori-lugud iyo Buuhoodle waxay sheegayaan in xiisaddu ka deggantahay sidii ay shalay ahayd.
Shalay ciidanka Somaliland ayaa damcay inay weerar gaadmo ah ku ekeeyaan ciidamada daraawiishta SSC-Khaatumo ee taliska gobolka Cayn, Ciidanka Somaliland oo haatan ku sugan Goblo-magan oo 3 KM u jirta deegaanka Shangeed ayaa shalay isu qaybiyay saddex madax waxa ayna laba gaadhi u direen dhinaca Balli-uus oo galbeedka xiga kuna beegan jihada magaalada Xadhadhan. Labaadas gaadhi ayay Somaliland dhabarjabin ahaan u geysay soonaha Balli-uus hayeeshee Ciidanka daraawiishta SSC-Khaatumo ayaa sheegay inay eryadeen oo shaan shaan ka tuureen sida ay hadalka u dhigeen.
Shalay ma dhicin khasaare la sheegi karo walow rasaastu toos udhacaysay xilli ay isu muuqanayeen labada ciidan.
Deegaanka Shangeed ayaa ah taliska ugu baaleeya ee ay haatan ku suganyihiin ciidanka daraawiishta SSC-Khaatumo halka Goblo-magan ay tahay halka ugu sokaysa ee ay ku suganyihiin ciidanka Somaliland, labadaas talis oo dhawaan ay dhinacdyadu kaamam dhigeen ayaa isku jira wax ka yar 3 Km sida aan ka xiganay dad deegaanka ah.
Si kasta ha noqotee weli maamullada SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo sanadkii hore ee 2023 ay dagaallo ba’an ku dhexmareen gobolka Sool ayaa weli miciyaha isu lisanaya iyada oo labada dhinac oo midkastaaba doonayo in uu guul ka gaadho colka kale, ma jiraan dedaallo nabadeed oo colaadahan ku’aaddan waxayna u muuqataa xaaladda SSC-Khaatumo iyo Somaliland mid faraha ka baxday oo aan waan-waani ka nooleyn.
Ciidanka Somaliland ayaa 25 Agoosto 2023 lagaga adkaaday dagaalkii ay muddada dheer ka wadden gobolka Sool iyada oo laga qabtay maxaabiis tiro ahaan gaadhaysa in ku dhow 300 oo maxbuus kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil ka sheeganaaa ciidanka Somaliland dhexdooda, sidoo kale gaadiid dagaal oo tiro badan ayaa laga furtay Somaliland sida ay soo bandhigeen taliska ciidanka daraawiishta SSC-Khaatumo.
Somaliland oo haatan ay soo dhawaatay doorashada hogaamiyaha maamulka Somaliland ee ka dhisan Gobollada dhexe ee waqooyiga dalka Soomaaliya ayaa u muuqata inay danaynayso sidii ay kusoo ceshan lahayeen guushii weynayd ee Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo ay ka gaadheen 25 Agoosto.
Dhawaan taliyaha ciidanka Milatariga Somaliland Nuur taani ayaa sheegay inay aarsan doonaan, dhinaca saraakiisha SSC-Khaatumo ayaa iyana warbaahinta u sheegay inay gacan bir ah ku difaacayaan deegaankooda.