LAASACAANOOD(JIDBAALE.NET) – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Mudane Axmed Diiriye ayaa wasaaraddaasi maanta u magacaabay agaasime waaxeedyo ka howlgali doona laamaha Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Maamulka SSC-Khaatumo.
Masuuliyiinta la magacaabay oo ahaa afar mudane ayaa loo kala magacaabay waxaaha maamulka iyo Maaliyadda, Istaatikiska, waaxda dabalka iyo qiimeynta Mashaariicda iyo waaxda Qorshaynta iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Maamulka SSC-Khaatumo.
Maaha markii ugu horraysay ee ay Wasaaradda Qorshaynta. Horumarinta iyo iskaashiga Caalamiga ahi, ay magacowdo Masuuliyiin loo igmaday dardargalinta howlaha shaqo ee Wasaaradda.
Digreeto heer Wasiir ah oo la soo dhigay Barta rasmiga ah ee Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga caalamiga ah ayaa Lagu magacaabay Agaasime waaxeedyada Wasaarada Qorshaynta Maamulka SSC-Khaatumo.
Wasiir Axmed Diiriye oo Digreetadan soo saaray ayaa yidhi “ waxaa lagama maar-maan ah, in la dar-dar geliyo hawlaha shaqo ee Wasaaradda loo igmaday
Laga bilaabo maanta waxan go’aamiyay inan Masuuliyiintan u magacaabo xilalkan hoos ku xusan si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Masuuliyiintan Maanta loo magacabay Waaxaha Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee maamulka SSC-Khatumo aya dhalinyaro aqoonyahan oo diyaar u ah inay u adeegaan Bulshadooda si naf-hurnimo leh.
Maamulka SSC-Khaatumo aya ahmiyad gaar ah siiyay dhalinyarada aqoonyahanka ah ee deegaanka si ay furs ado ugu haleen u adeegista bulshadooda.
Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyadda, Qorshaynta iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa ah ilaa iyo haatan wasaaradaha shaqo galiyay dhalinyaro badan oo deegaanka ah oo ay ka go’antahay ka qayb qaadashada Dhismaha Maamulka Cusub ee SSC-Khaatumo.