Maanta waxaa safar shaqo ku yimid Caasimada Maamulka SSC-khaatumo Laascaanood Wafti ka Socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Dowlad federaalka Somalia Waftigan ayaa ka kala Socday Xafiisyada, Agaasinka Guud Dad Dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah Mudane Salebaan Cabdi Qani iyo Jamiila Daahir.
Waxaa Waftiga Qayb ka ahaa Madaxa Mashaaricda Wasaradda Arrimaha Gudaha Federaalka XFS Mudane Abdirahmaan Axmed faarax ( dege).
Hawl wadeenadan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka SSC-khaatumo Mudane Abdisalaam iman Cali ayaa booqdey xaruunta Dowladda hoose ee Caasimadda waxaana kusoo dhaweeyey Xoghayaha Fulinta Boos Dubad Boos waxaa u socda kulamo is xog waraysi ah iyo baahiyaha dawladaha hoose sidii tayadooda kor loogu qaadi lahaa