Today: Sep 14, 2025

Axmed Karaash oo Dowladda Federaalka u diray hanjabaad ka dhan ah qorshaheeda shidaalka Ceelka HOL-HOL SSC-Khaatumo.

1 year ago

HOL-HOL (JIDBAALE.NET) – Madaxweynihii hore ee maamulka SSC-khaatumo Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qoraal hanjabaad ah ka soo saaray hadalkii uu sheegay wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hor tegay guddi ka tirsan golaha shacabka oo kulan su’aalo weydiin ah ugu yeedhay.

Wasiirka oo hortegay guddiga Kheyraadka ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wajahay su’aalo intooda badan ku saabsanaa shidaalka Soomaaliya, waxa uuna soo bandhigay xogo badan.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaadka sanadkan iyo bilowga sanadka cusub ay Soomaaliya soo saaran doonto Kheyraadkeeda Shidaalka, isagoo shaaciyey meelaha ugu badan oo shidaalka ku jiro.

Goobihii uu tilmaamay waxaa ka mid ahaa Ceelka Shiidaalka ee Holhol, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in laga howlgalo.

Madaxweynihii hore ee SSC-Khaatumo Axmed Karaash ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter (X) waxa uu ku sheegay inuu dhageystay hadalka Wasiirka Batroolka XFS uu ku shaaciyey inay saxiixeen xirmooyin Shidaal oo uu ka mid yahay Ceelka Shiidaalka ee Holhol oo ku yaala Gobolka Sool.

“Waxaan la wadaagaynaa Shirkadaha Caalamiga ah inaan wakhti kaga lumin Ceelka Holhol iyo khayraadka kale ee deegaanadaasba, aysana jirin cid awood u leh inay heshiis ku soo gasho, iyadoon loo marin dariiq saxa oo heshiis lagu wada yahay,” ayuu soo qoray madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Karaash. 

Maamulka SSC-Khaatumo oo ah mamul laga dhisay gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa ah maamul qani ku ah macdanta shidalka iyo khayraadka kala duwan ee jaadadka Macdanta iyo Dahabka waxaana la sheegaa in Gobollada Sool iyo Sanaag oo uu ka arrimiyo Maamulkani in khayraadka Macdantu uu aad uga badanyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.