ETHOPIA(JIDBAALE.NET)– Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Axaddii ka digay in uu dalkiisa dulleyn doono, dal kasta oo khatar ku ah madax-bannaanidooda, xilli ay xiisado ka taagan yihiin Gobolka aan xasillooneyn ee Geeska Afrika.
Itoobiya oo la sheegay inay tahay dalka labaad ee ugu dadka badan Qaaradda Africa, ayaa waxa uu khilaaf kala dhaxeeya Dowladda Soomaaliya, Khilaafkaas oo soo bilaamay horraantii sanadkan 2024 kadib gortii uu RW dalka Ethopia heshiis xagga Badda ah uu la gala maamulka la baxay Somaliland. Heshiiskaas oo dhigayay in 20 Km oo xeebta Somaliya lagu wareejiyo gacanta Dowladda Ethopia, tallaabadaas oo si baran uga cadhaysiisay Shacab weynaha Soomaaliyeed iyo madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Xiriirka Masar ee Itoobiya ayaa sidoo kale aan wanaagsanay, taasi oo la xiriirta biyo-xireenka weyn ee wabiga taariikhiga ah ee Nile.
“Nala taaban maayo! Si kastaba ha noqotee waannu ceebayn doonnaa cid kasta oo ku dhiirrata inay noo hanjabto” ayuu Abiy Axmed ku goolaaftamay isaga oo ka hadlayay xaflad lagu sheegay Xuska maalinta Qarannimada Dalkaasi Guunka ah ee Abasiiniya munaasibaddaas oo ka dhacday caasimadda Ethopia ee Addis Ababa.
“Cidna kalama xaajoon doono madax-banaanida iyo karaamada Itoobiya,” ayuu sii raacsaday hadal-jeedintiisa.
Itoobiya ayaa bishii hore ku eedaysay dalal aan la magacaabin inay doonayaan, inay Khalkhaliyaan xasilloonida gobolka, ka dib markii Masar ay saanad milateri u dirtay Dowladda Soomaliya goortii uu bananka u soo baxay heshiis iskaashi milateri oo ay kala saxeexdeen labada dowladood ee Somaaliya iyo Masar.
dowladda Soomaaliya ayaa aad uga carootay heshiiskii bishii January ee sanadkan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo Addis Ababa siinaya marin baddeed, iyadoo Somaliland ay dhinaceeda sheegtay in ay aqoonsi ka heli doonto Itoobiya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa mid lagu weeraray madax madax-banaanideeda dhuleed.
Turkiga ayaa dhex dhexaadiyey wadahadalo aan toos ahayn oo u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, si loo xaliyo khilaafka, balse ma aysan sameyn wax horumar ah oo la taaban karo.