Today: Sep 14, 2025

Jabuuti oo sheegtay in anay Itoobiya siin doonin deked

1 year ago

Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in anay Itoobiya siin doonin deked ay  maamulkeeda yeelato, lakiin ay rabto in heshiis ganacsi ay Itoobiya kula gasho dekeda Tadjora, oo ay hore u sheegtay in ay Itoobiya si buuxda ugu wareejinayso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si ka duwan balanqaadkiisii hore sheegay in anay Itoobiya siinayn dekeda Tojora, lakiin ay rabaan in ay wada maamulaan.

“Marnaba manaan dhihin waanu iibinay marsada ama cid ayaanu siinaynaa, lakiin aynu wada maamulno marsada Tadjora ayaynu nidhi, waxaynu rabnaa in aynu sii haysano ganacsiga u socda Itoobiya” ayuu yidhi Wasiir Yuusuf.

Waxa uu sheegay in 60 milyan oo dollar ay ku baxday dhismaha dekeda Tojora, lakiin anay bixin karin mushaarka shaqaalaha ka hawlgala, sidaas darteedna ay rabaan in ay ka dhigaan deked ganacsi, si ganacsiga Itoobiya aanu ugu wareegin Eritrea.

“Bari waxa furmi doonta marsada Casab oo xamuulka qaar ayaa halka u guuri doona, waxa dhici karta in qaar kale u wareegaan degaamo kale, innagu waxaynu rabnaa in aynu sii haysano ganacsiga Itoobiya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka ayaa hore u sheegay in ay Itoobiya siinayaan deked ay  maamulkeeda yeelato, si loo dajiyo khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

waxa uu dhawaan sheegay in anay Itoobiya siin doonin saldhig badeed, lakiin ay iyagu yihiin ganacsato, isla markaana khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, ay labada dowladood ka xaali doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.