Laascaanood- Jidbaale:- Wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo Guryaynta maamulka SSC-Khaatumo ayaa 11 bishan qabanaysa tababar ay la kaashatay kulliyadda injineerinka ee jaamacadda Alpha faraceeda ku yaala caasimadda maamulka SSC-KHaatumo ee magaalada Laascaanood.
Tababarkan ayay wasaaraddu u qabanaysaa Ardayda barata kuliyadda Injineerinka lyo xirfadlayaasha dhismaha ee ka hawlgala maamulka SSC- KHaatumo.
Waa markii ugu horraysay Tan iyo bilowgii shaqo-galka wasaaradda ee ay soo diyaariso tababaarad furan oo noocan Kaasi oo bulshada gaar ahaan cidda uu la xidhiidho tababarkani ay ka faa’ideysanayso.
Tababarka ayaa ka kooban labo qaybood oo kala ah:-
Qaybta koobaad:-
1. Waaxyaha ay ka kooban yihiin dhismayaasha Dhaadheer.
2. Doorashada haboon ee agabka dhismaha
3. Sababaha keena dil-dilaacyada ku dhaca dhismaha iyo sida looga hortago
4. Milixda ku samaysanta dhismaha iyo sida looga hortago
5. Diyaar garaynta goobta dhismaha
6. Sida ugu haboon ee la isugu qaso agabka dhismaha.
Qaybta labaad:
1. Naqshadaynta dhismaha
2. Diiwaanka agabka dhismaha
3. Sida loo qoro heshiis dhisme
4. Jaantuska agabka,naqshada iyo heshiis dhisme
Waqtiga tababarkan la qabanayo.
11-09-2024 ilaa 12-09-2024