LAASACAANOOD(JIDBAALE.NET) :. Wasaaradda warfafinta, isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda maamulka SSC-Khaatumo ayaa bayaan ay maanta soo saartay oo ku taariikhaysan 8/9/2024 ku amartay shirkadaha Isgaadhsiinta ee ka howl gala deegaannada maamulka SSC-Khaatumo in aysan furi karin Simikaadhada loo furo dadka ajaaniibta ah ee aan sharciga haysan.
sidoo kale waxa ay wasaaraddu ogaysiisay shirkadaha isgaadhsiinta in wasaaraddu ay mamnuucday “Simakaadhada” loo furayo dadka ajaaniibta ah ee sida sharci darrada ah ku soo gala deegaannada uu ka arrimiyo maamulka SSC-Khaatumo.
Waa markii ugu horraysay ee ay bayaan noocan ah soo saarto wasaaradda warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadu tan iyo goortii loo magacaabay Wasiir najiib Barkhadle.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa waxaa xuduudihiisa ka soo gudba muwaadiniin u dhalatay dalka Ethopia, gaar ahaan Qoomiyadda Oramada kuwaas oo tahriib ku ah waddamada Khaliijka Carabta iyaga oo ka tahriiba caasimadda Gobolka Bari magaalada Boosaaso ee maamulka Budlaan, sidoo kale muhaajiriinta ka soo jeeda Qowmiyadda Oramada ayaa ka shaqaysta magaalooyinka maamullada SSC-Khaatumo, Budlaan iyo Somaliland iyaga oo qabta shaqooyinka hoose sida Baalashka, dhaqista gawaadhida iyo dhisidda guryaha.
Muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada Laasacaanood waxaa ku soo badanayay dadka Oramada ah ee doonaya inay ka xamaashaan gudaha magaalada Laasacaanood.
Dadka deegaanka ayaa siyaabo kala duwan u arka Socdaalka aan kala joogsiga lahayn ee Qowmiyada Oramadu ku hayso deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo.
Magaalooyinka qaarkood sida Buuhoodle iyo Laasacaanood waxaa horay uga dhacay banaanbaxyo ka dhan ah dadka Oramada ah.
Bayaanka wasaaradda ayaa daarran, in Muhaajirinta u dhalatay dalka Ethopia ee Qowmiyadda Oramada ee haatan ku sugan Magaalada Laasacaanood ay si toosa ula xidhiidhaan shirkadaha isgaadhsiinta iyaga oo ka furta shirkadaha simikaadho loo sameeyay akoonnada Lacagta oo goortii ay shaqaystaan lacagaha loogu diro taasi oo ay dowladda SSC-Khaatumo maanta ka soo saartay bayaan ay ku mamnuucday.