Today: Nov 21, 2025

Nin Hubeysan Oo Saddex Israa’iili Ah Ku Dilay Xadka Urdun Iyo Daanta Galbeed

1 year ago

BARIGA DHEXE(JIDBAALE.NET) :.Masuu’liyiinta Isra’il ayaa Axaddii sheegay, in nin hubeysan oo u dhashay dalka Urdun uu saddex qof oo Isra’ili ah ku dilay Marinka Allanby ee ay dadka Urdiyiintu u yaqaaniin Buundada Boqor Xuseen oo ah marin isku xidha xadka Urdun iyo Daanta Galbeed ee dhulka la heysto.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay, in ninka hubeysan oo watay baabuur xammuul ah oo ka yimid dhanka Urdun uu ku soo dhawaaday isgoyska Allenby, kaddibna uu rasaas ku furay ciidamada ammaanka Israa’iil.

Waxay kaloo sheegeen in saddex qof ee uu dilay ay ahaayeen rayid ay da’doodu aheyd 50 sano jirro. Ninkan oo la xaqiijiyay in uu ahaa muwaadin u dhashay dalka Urdun ayaa ku dhintay is rasaaseyn dhex martay isaga iyo ciidamada Isra’il ee ilaaliya marinka laga soo galo Daanta Galbeed.

 

Sawir laga qaaday goöbtä uu dilka ka geystay ninka Urdun u dhashay ee dilay Sadeda Israa’iiliyiinta ah.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca xadka Urdun ay la wadaago Isra’il tan iyo 7-dii October, markaas oo ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il.

Dhanka Gaza, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay guri ku yaalla magaalada Jabaaliya Axaddii ay ku dileen, Mohammad Morsi, oo ahaa agaasime ku-xigeenkii hay’adda gargaarka deg-degga ah ee Gaza.

Weerarkaas ayaa sidoo kale lagu dilay afar xubin oo ka mid ah qoyska Maxammed Mursi. Isra’il wali kama aysan hadlin dilka mas’uulkaasi.

Adeegga Gurmadka degdegga ah ee Gaza ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in dilka Morsi uu ka dhigay xubinti 83-aad oo ka mid ah qoyskiisa iyo qaraabadiisa ee lagu dilo Gaza, tan iyo 7-badi bishi October.

Leave a Reply

Your email address will not be published.