Laascaanood(Jidbaale.net):-Magaalada laasacaanood shalay waxaa lagu qabtay munaasibad ay jaamacadda Golis university u samaysay dufcaddii 7aad ee jaamacaddaasi dhamaysay.
Ku dhawaad 200 oo arday ayaa ka qalin jabiyay jaamacdda Golis university xarunteeda Magaalada Laasacaanood ee caasimadda maamulka SSC-khaatumo.
Jaamacdda ayaa ardayda u qabatay munaasibad sagootin ah oo ka dhacday magaalada Laasacaanood taasi oo ay ka qayb galeen madax ka tirsan dowladda SSC-Khaatumo, sida wasiirro, xildhibaanno.
Munaasibaddan sagootinta ardayda qalinjabisay ee jaamacadda Golis ayaa waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah Isimmada deegaanka, waxgaradka iyo aqoonyahanka ku dhaqan Magaalada laasacaanood.
Masuuliyiintii ka qayb gala madashan ayaa ardayda dhamaysay heerka koobaad ee jaamaccda Golis University kula dardaarmay inay sii xoojiyaan hamigooda tacliinta isla markaana ku boorriyay in cilmiga ay barteen ay ugu adeegaan bulshadooda Isla markaana ay ku bar bar istagaan maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.
Ardaydan dhamaysay kulliyadaha kala duwan ee ay bixiso jaamacdda Golis University iyada oo jaamacaddu ay soo dhajisay boodhka saddexdii arday ee ugu sarreeyay guud ahaan dufcadda 7-aad ee ka qalinjabisay jaamacdda, saddexda arday ee lagu kala magacaabo
1-Mubaarig Cabdi Hirsi
2- Siciid Maxammed Aadan
3-Nimco Khaliif Iimaan.
Saddexdaas arday ayaa dufcadda 7-aad ee ka qalin jabisay jaamacdda Golis University u gala kaalmaha ugu horreeya imtixaankii jaamacadda.
Jamacdda Golis University waxa ay ka mid tahay jaamacdaha ugu tayada roon ee ku yaalla magaalada Laasacaanood, sidoo kale dhawaan ayay jaamacaddu xarun labaad ku yeelatay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.
Waxbarashada Magaalada Laasacaanood ayaa samaynaysa horumar fiican oo dhinaca waxbarashada, waxaana magaalada ku soo badanaya xarumo cusub oo waxbarasho haatan laga furayo gudaha magaalada. Ku dhawaad 8 jaamacadood ayaa wakhtigan ku yaalla caasimadda SSC-Khaatumo ee Xarunta Gobolka Sool Laasacaanood.