Laasacaanood-Jidbaale.net:-
Hay’adda Kalkaal oo cafimaad ka caawisa gacantana ku hayaan qaar jaaliyadda SSC-khaatumo ayaa xarun cusub ka furay magaalada Laasacaanood.
Munaasibadda xadhig jarka xarunta cusub ee Kał-kaal waxaa ka qayb galay masuuliyiinta maamulka SSC-khaatumo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka SSC-Khaatumo Mudane Muxiyaddiin Maxamed Jaamac, Wasiirka arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka caafimaadka. Wasiirka caddaalladda, Diinta iyo aw-qaafta, Wasiirka xannaanada xoolaha iyo Beeraha, Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo golaha fulinta maamulka SSC-Khaatumo.
Munaasibaddan waxaa goobjoog ka ahaa ururadda Caafimaadka deegaanka iyo Xildhibaanno ka tirsan golaha sharci dajinta mamulka SSC-khaatumo.
Waa markii koobaad ee ha’ayadda Kal-kaal deegaanka laga leeyahay ay xarun rasmi ah ku yeelato caasimadda maamulka SSC-khaatumo tan iyo goortii Somaliland laga caydhiyey deegaannada SSC-Khaatumo.
Masuuliyiinta xadhig jarka ayaa bogaadiyay shaqada ay hormuudka u tahay Kal-kaal oo danaysa kobcinta iyo hirumarka caafimaadka.
Masuuliyiinta ayaa haayadda uga mahadceliyay ku dhiirashadda qaan gaadhka ah ee ay deegaanka u hayaan iyaga oo ku bogaadiyay dedaalkii soo taxnaa muddada dheer ee ay haayaddu shaqada waday.

Haayadda Kal-kaal ayaa dhistay Hosbitaallada Dagmooyinka Widh-widh iyo Awr-boogeys haatan gacanta ku hayso maamulka Hosbitaalladaasi.
Haayadda kal-kaal ayaa dhismaha hospitaallada Widh-widh iyo Awr-boogeys soo bilowday sanaddii 2018-kii iyaga oo si rasmi ah u shaqo bilaabay horraantii sannadkii 2019-kii.
Hosbitaalladan ayaa dadka deegaanka inta badan ka caawiya baahidooda xooggana saara sidii ay u dabooli lahaayeen baahida Caafimaadka Deegaanka.

Hosbitaalka kal-kaal ee dagmada Widhwidh, wakhtiyadii uu socday dagaalkii Somaliland Iyo SSC-khaatumo dhexmaray 2023 waxaa hosbitalkan Kal-kaal ee dagmada widh-widh loogu shaqeeyay dad kor u dhaafaya ilaa 200 oo ruux oo ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay deegaanka Diir-diir iyo duleedka waqooyi ee dhaban-saar.
Howl-wadeennada Hosbitaalka ayaa waxyeello soo gaadhay xilligaasi, oo Somaliland madhaafiic la’eegatay gaadiidka gurmadka deg dega ee Hosbitaalka oo ka howl galayay jiidaha hore ee dagaalka.
Dhinaca kale haayadda Kal-kaal oo haatan xarun rasmi ah ku yeelatay caasimadda maamulka ee Laasacaanood ayaa la filayaa wakhti dhaw inay hosbitaallo kale ka furto dagmooyinka maamulka SSC-khaatumo.

Ha’ayadda kał-kaal oo ay maalgaliyaan qurba-joogta deegaanka oo si mutadawacnimo ah ugu adeegta bulshada deegaanka.