(Laascaanood) Jidbaale-net :- Booyadaha Biyaha Macaan ee u dhaamiya Caasimadda Gobolka Sool xarunta Maamulka SSC-Khaatumo oo biyaha magaalada Keena ayaa ka dhalatay xaalad Caafimaad.
Magaalada Laasacaanood waxa ay ka soo ka banaysaa bur-burkii Iyo duqaymihii ay Somaliland ka geysatay magaalada, kobaca bulshada iyo kabashada guud ee magaalada iyo saaritaanka Somaliland ayaa sahashay in dadkii ugu badnaa taariikhda ay laasacaanood marti galiso wakhtigan.
Magaalada laasacaanood weli ma haysato biyo galin lixaad leh oo saamaysa guud ahaan gudaha magaalada. warshadaha biyo-galinta Laascaanood ee ka hawl gali jirtay magaalada biyo nadiif ah siin jirtay inta badan ayaa si ula kac ah maleeshiyadii somaliland u bur buriyeen Warshada Nugal water supply, waxaa lagu hawl jiraa sidii dib loogu kicin lahaa si magaaladu u hesho biyo nadiif ah.
Taasi waxa ay sababtay in biyaha macaan Magaalada laasacaanood looga keeno baraagaha ku yaala magaalooyinka koonfurta gobolka Sool, sida Dagmada Kalabaydh.
Biyaha Macaan ee laga keeno dagmooyinka, waxaa ka dhalatay xaalad caafimaad oo saamaysay Carruurta da’da yar, Maadaama oo aysan biyuhu ahayn kuwo nadiif ah.
Biyaha baraagaha waxaa ku badan Bogteeriyada sida ay Jidbaale u sheegeen dhakhaatiirta caafimaadka ee deegaanku.
Carruurta dhallaanka ah goorta la siiyo biyahaas aan si feysnayn waxaa ku dhalata Bogteeriyada taas oo itaal darro ku keenta nidaamka difaaca ee jidhka, xaaladda itaal darro ee jidhka ayaa carruurta da’da yar gayeysiisay cudurrada laga qaado nadaafad daradda biyaha.
Goobaha caafimaadka ee magaalada Laascaanood oo aan xidhiidh la samaynay ayaa noo xaqiijiyay inay la kulmaan xanuuno ka dhashay biyaha aan la nadiifin ee la siiyo carruurta.
Waxay dhakhaatiirtu noo sheegeen in Subax kasta goobaha caafimaadka la soo gaadhsiiyo caruur bukaan ah oo xanuuno la halmaala biyaha aan la Kar karin Keenan.
Dadka ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo ayaan weli ku baraarugin faya-dhowrka deegaanka iyo halista ka dhalan karta nadaafad xumada, xanuunadda caruurta ku dhaca ee biyahu keenaan waxaa lagga hortagi karaa biyaha oo la kar kariyo si ay nadiif u noqdaan.
Waxaad arkaysaa goobaha ka baxsan magaalooyinka oo aad u saameeyay qashinka deegaanka, gacannada baraagaha oo ah kuwo biyo mareenkoodu wasakhaysan yahay, xilliyada roobka baraagaha galiya biyo aan nadiif ahayn.
Ma jirto wacyigalin dhinaca caafimaadka ah oo loo sameeyay dadka deegaanka si ay u ilaaliyaan fayo-qabka deeganka.
Geesta kale is beddelka cimilada iyo nabaad guurka carrada iyo kaymaha ayaa waxaa ka dhashay dikhow hawada ah oo si gaar ah u saameeya carruurta da’da yar, oo ay ka dhashaan xaalado Nololeed oo dhinaca caafimaadka ah.