(Laascaanood)Jidbaale.net:-Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Maamulka SSC-khaatumo ayaa shirkadaha isgaadhsiinta ee ku yaalla magaalada Laasacaanood iyo deegaannada kale ee maamulka ku wargalisay in aysan furi karin (Akoonno)Ganacsiyeed oo bilaa shati ah, sida teleefannada gacanta ee laga furto shirkdaha Isgaadhsiinta Telesom, Golis iyo Somtel kuwaasi oo lagu kala magacaabo Zaad, Sahal iyo E-dahab.
Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga SSC-Khaatumo ayaa shirkadaha isgaadhsiinta dul dhigtay amarkan xilli ay ganacsatadu si madax bannaani ah ay horayba uga furan jireen Shirakadaha Isgaadhsiinta Akoonnada Taleefannada gacanta.
Ka dib dhismaha maamulka SSC-khaatumo oo Laasacaanood laga dhidbay dabayaqadii sannadkii tagay ee 2023 waxaa soo baxayay sida maamulka SSC-Khaatumo ay uga go’antahay dowladnimada iyo xoojinta nidaamka maamul ee deegaanka, tiiyoo ay wasaaradaha kala duwani dedaal ku bixinayaan in dadweynaha SSC-Khaatumo ay bartaan dowladnimada isla markaana ay iyagu kala shaqeeyaan dowladda shaqooyinka maalin-laha ah.
Awaamiirtan ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo maalgashiga maamulka SSC-Khaatumo ayaa daarran dar-dargalinta shaqooyinka dowladnimada iyo in la diawaan galiyo dhammaan goobaha gancsiga oo la siiyo sharciyad ay ku gancsanayaan Muwadiniintu iyadoo goobaha ganacsiga loo samaynayo Shati ama Liisanno ay dowladdu aqoon santahay.
Dhawaan Wasaaradda ganacsiga federaalka ayaa sidoo kale amartay bangiyada waa weyn ee ka jira dalka Soomaliya oo xarumo ku leh magaalooyinka Maamulka SSC-Khaatumo in aysan furin Akoonno ganacsiyeed si guud iyo si gaar ahba.
Wasaaradda ayaa hore bayaan ay soo saartay ku caddaysay in aan la furi karin goob ganacsi aan haysan aqoonsi dowladeed, wasaaraddu waxay amartay in goobaha ganacsi ee haatan furan iyaguna ay sameystaan shati dowladeed.
Dhinaca kale shacabka iyo ganacsatada maamulka SSC-khaatumo iyo shirkadaha Isgaadhsiinta ayaa soo dhaweeyay howlaha dar-dargalinta ku socda ee ay wadddo wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo maal gashiga maamulka SSC-Khaatumo.
Golaha fulinta maamulka SSC-Khaatumo ayaa diiradda saaraya sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyaha dowladeed Isla markaana ay bulshada iyo dowladda isugu xidhi lahaayeen.
Shacabka SSC-khaatumo ayaa muujiyey soo dhawayn balaadhan, awaamiirta uu soo saaro Maamulka SSC-Khaatumo iyada oo sabata lagu sheegay lahaan shiiyaha maamulka ee ay dareemayaan dadweynuhu.