Laascaanood(Jidbaale.net):- Madaxtooyada maamulka SSC-khaatumo ayaa soo agaasintay wajiga labaad ee kulanka golaha fulinta SSC-khaatumo iyo golaha Sare ee dhaqanka isimmada deegaanka oo maanta ka qabsoomay qasriga madaxtooyada maamulka SSC-Khaatumo.
Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen isla markaana saxaafaddu ay banaanka ka joogtay ayaa lagu falanqeeyey amniga iyo difaaca deegaanka, geeddi socodka siyasadda maamulka, dhaqaalaha iyo miisaaniyadda, xoojinta midnimada iyo arrimaha doorashooyinka Soo socda.
Golaha fulinta oo uu ugu horreeyo hogaamiye Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali ayaa Isimmada deegaanka uga warbixiyay xaaladda guud ahaaneed ee siyaasadda deegaanka gaar ahaan amniga iyo difaaca iyo sidoo kale dhaqaalaha iyo miisaaniyadda.
Hogaamiye Cabdulqaadir firdhiye ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku itaalayo amniga iyo difaaca deegaanka xilli ay aloosantahay xiisadda colaadeed ee ka soo cusboonaatay gobolka Sanaag caasimaddiisa Ceerigabo, halkaas oo maamulka Somaliland uu dhawaanahanba ka hurinayay colaad la mid ah tii gobolka Sool ee 2023.
Geesta kale hogaamiye Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Iyo golihiisa fulinta ayaa warbixin ku’aaddan dhaqaalaha iyo miisaaniyadda siiyay Isimmada deegaanka iyaga oo sheegay in goluhu uu meel mariyay xeerarka miisaaniyadda 2025 sidoo kalana gola baarlamanku ay dhaqan galiyeen xeerarka cashuuraha barriga iyo tacriifaddooda isla markaana ay si habsami leh u socoto nidaamka cashuur qaadista ee maamulku.
Dhanka Isimmada deegaanka ayaa maamulka kula dardaarmay in maamulku uu xoogga Saaro wacyigalinta bulshada SSC-Khaatumo oo dad weynaha loo sameeyo wacyigalin si ay ula jaan qaadan dowladnimada Maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.
Dhanka kale isimmada deegaanka ayaa maamulka ku boorriyay xoojinta midnimada iyo ilaalinta wadajirka oo loo guntado danta guud isla markaana laga fogaado wax kasta oo khilaaf keeni kara iyo mad-madoow soo kala dhex gala haayadaha dowladda.
Isimmada deegaanka iyo golaha fulinta ayaa isla soo qaaday wadahadalladii dhexmaray dowladda federaalka Soomaliya iyo maamulka SSC-khaatumo oo tiraba dhawr jeer kulammo ku yeeshay caasimadda Dalka Soomaliya ee Muqdisho. Waxayna is dul taageen balanqaadyadii dowladda dhexe u samaysay maamulka ee SSC-khaatumo.
Sidoo kale kulankan ayaa lagu faaqiday in maamulku uu u jihaysto geeddi socodka doorashada taasi oo haatan ay ka harsantahay muddo hal sano ah, Isimmada deegaanka ayaa golaha fulinta ku tirtirsiiyay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto.
Ugu danbayn kulankan oo socday muddo laba casho ah ayaa is af garad ku soo dhamaaday.
Golaha dhaqanka sare ee Isimmada deegaanka waa mus-danbeedka dowladda SSC-khaatumo sida ku xusan Axdiga maamulka SSC-khaatumo qodobkiisa 24aad ayaa sheegaya in khilaaf kasta oo soo kala dhexgla haayadaha kala duwan ee dowladda ay isimmada yihiin cidda go’aan ka gaadhaysa xalka ugu danbeeya sidoo kale isimmadda deegaanku waa awoodda soo dhistay guud ahaanba maamulka SSC-khaatumo waxa ayna isiimadu saamayn ku leeyihiin nolosha iyo masiirka dadka deegaanka SSC-khaatumo.
Isku soo wada duuboo maaha marki ugu horraysay tan iyo dhismihii maamulka SSC-khaatumo kulammo gaar gaar iyo kuwo guud oo ay yeeshaan golaha fulinta maamulka SSC-Khaatumo iyo golaha dhaqanka sare ee Isimmada deegaanka.