Today: Sep 14, 2025

Masiirka Maamulka SSC-Khaatumo Oo Galay Marxalad Cusub, Halkee Wax Marayaan?

1 year ago

Todobaadkii aynu ka soo gudubnay waxaa magaalada Laascaanood ka furmay shir ay isagu yimaadeen  golaha fulinta iyo golaha Issimada SSC-Khaatumo, shirkan oo ahaa shir loogu gogol xaadhayo sanad ka dib dhinaca ay SSC-Khaatumo u jihaysan doonto iyo kala reebidda Issimada siyaasadda ku milmay iyo maamulka ayaa weli qaab xog isweydaarsiya u socda, isaga oo shirkaasi furan yahay oo aan weli natiijadiisu soo bixin.

Haddaba maxay yihiin qodobada saaran miiska?

Qodobada ugu muhiim san ee miiska saaran ayaa waxay yihiin in Issimadu ka soo talo bixiyaan sanad ka dib halka ay SSC-Khaatumo u jihaysan doonto, iyo sidii shir weyne laysugu imaan lahaa.

Waxaa ka mid ah sidii SSC-Khaatumo kumeel gaadhka looga saari lahaa, oo maamul dhamaystiran loogu dhawaaqi lahaa, iyada oo wakhti la siinayo suurta galnimada in la raadiyo qaabkii loo ballaadhin lahaa maamulka.

Dooddaha hadda socda ayaa waxaa dhex socda oo kale awoodaha siyaasiyiinta iyo awoodaha dhaqanka, oo guushii 25.08.2023 ay muuqato in ay isu sawirtay madax dhaqameedka qaarkood in  awooda Axdiga ku meel gaadhka ahi u ogol yahay in aanay  gacantooda ka bixin, si ay markasta u noqdaan marjaca ugu awooda badan, qaab kaasina maaha qaab maamul dawlad goboleed horu socod laga rabo lagaga  hir gelin karo deegaanka SSC-Khaatumo.

Cigaal iyo Cabdilaahi Yuusuf markay dhisayeen maamulada waxa ugu weynaa ee ay madaxa isla galeen waxay ahaayeen madax dhaqameed u diiday in ay dhaqaaqaan oo ligliga ku haystay awoodaha maamulada. Cigaal waxay ka gaadhay in uu xidh xidho oo dabbaabado guryahooda ku horgooyo. Cabdilaahi Yuusufna waxay gaadhsiisay in uu qaarkood aakhiro u diro, waxayna labada maamul meel iskagaxidheen madax dhaqameed awooda kula dhagay , maantana waxaa dhaxalkeedii haya dadkii ka danbeeyey oo maamuladoodu ugu shaqeeyaan awooduhuna kala qayb san yihiin, dawlad goboleedada kale ee Soomaaliyeed sida Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, iyo Jubaland ma jirto meel ay awood ku leeyihiin madax dhaqameedku

Issimada dhaqanka ee SSC-Khaatumo waxay u qaybsamaan dhawr nooc, rag waaweyn oo aaminsan in maamulka aan lagu la dhegin ragga haya, qayb siyaasadda fahansan oo diyaar u ah in ay maamulka la shaqeeyaan, iyo qayb siyaasiyiin ah oo qorshahoodu yahay in ay awoodu markasta ahaato mid gacantooda ku jirta.

Axdiga ku meel gaadhka ahi wuxuu dhigayaa qodobkiisa lixaad in maamulka ku meel gaadhka ah ee SSC-Khaatumo bulshada gaadhsiiyo himilooyin oo ahayd u jeedooyinka maamulka SSC-Khaatumo loo yagleelay, qodobadaasina waxay kala yihiin:

1.Isku tashi deegaanka SSC-Khaatumo, siyaasadda ahaan, dhaqaalle ahaan iyo bulsho ahaan.

2. Xaqiijinta difaaca iyo amniga muwaadiniinta iyo deegaanka SSC-Khaatumo.

3. Adkaynta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

4.Xaqiijinta in uu ka mid noqdo maamulka SSC-Khatumo dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

5.In  ay u gogol xaadhaan shirweyne lagaga tashanayo masiirka iyo aayaha deegaannada SSC-Khaatumo.

6.Ergooyinka shirwaynaha waxaa soo xulaya beelaha gaybta ka ah shirweynaha.

7.In ay gurmad iyo gargaar u fidiyaan maatada ka barakacay guryahooda, e ku tabaalaysan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa. Kana shaqeeyaan sidii ay guryahooda dib ugu soo noqon lahaayeen.

8. Maamulka SSC-Khaatumo waxaa waajib ku ah in u u shaqeeyo sida ugu fiicanoo ay ku dheehantahay daacadnimo, hawlkarnimo, nafhuris iyo dadaal dheeraad ah oo ay ku bixiyaan ka dhabaynta shaqooyinka hortabinta u leh himilooyinka bulshada SSC-Khatumo.

Maamulka hadda joogaa qodobadan wax badan ayaa uga qabsoomay, oo guulo la gaadhay, dadkiina lagu soo celi guryahoodii.

Waxaase jira qodobo wax badan laga qabtay, oo wax u hadhsan yihiin, iyo kuwo aan weli looba dhaqaaqin, kuwa aan weli loo dhaqaaqin ayuu shirkani daaranaa in la dhaqaajiyo ,waana halkan halka ay Issimada siyaasiga ahi  gaadayaan oo haddii maamulku ka gun gaadhi waayo sanadka hadhay in ay doonayaan in ay adeegsadaan  qodobka 24aad Axdiga ku meel gaadhka. Taas oo ah guul daro weyn oo mar kale gacanta u gelinaysa masiirka ummadda odayaal  khatar iyo jaahwareerkii 34kii  sano ee laga soo gudbay bulshada ku hayey.

Muxuu odhanayaa qodobka 24aad?

1.Axdigani wuxuu aqoonsan yahay oo xaqiijinayaa jiritaanka iyo doorka hoggaamineed ee Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo.

2.Wax kasta oo khatar galinaya ama saamaynaya jiritaanka SSC-Khaatumo waxaa loola noqonayaa Isimada Dhaganka si ay go’aan ama talo ku habboon uga qaataan.

Qodobkani waa qunbulad aan wakhti lahayn, oo qarxi karta markasta, waana mindi laba af leh.

Sababtuna tahay carqaldeynta ka midho dhalinta xaaladaha hadda taagan ee ah sidii loogu diyaar garoobi lahaa shir weyn iyo wax ka beddelida Axdiga ku meel gaadhka, si loogu beddelo mid rasmiya waxay dib ugu celinaysaa bulshada goob mugdiya oo aanay waxba ka muuqaan, waana halka ay la doonayaan dhaqanka qaarkii in ay soo gaadho si bulshadu jaah wareer u gasho.

Madaxda dhaqanka  xilligan talooyinka laga sugayo iyo maamulkaba waxaa laga rabaa in ay dardar geliyaan arrintan, bulshada deegaankana waxaa laga rabaa in ay la socdaan masiirkoodu halka uu ku jihaysan yahay ,isla markaana feejignaadaan, ilaashadaana masiirkay u soo kifaaxeen.

 

Jidbaale Editorial

Leave a Reply

Your email address will not be published.