Laacaanood(Jidbaale.net):-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dowlad goboleedka SSC-khaatumo Mudane Wasiir Daahir Cabdirisaaq {Ingaydh} ayaa soo saaray wareegto lagu wargelinayo dhammaan Ganacsatada SSC-Khaatumo in ay qaataan shatiga Ganacsiga.
Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in muwaadin kasta oo ganacsade SSC-khaatumo ah uu ganacsigiisa u samaysto shati ay aqoonsantahay wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo maalgashiga SSC-khaatumo.
Wasaaradda ayaa fartay Ganacsatada in ay dhaqan galiyaan qaraarka ka sooo baxay wasaaradda islamarkaana ganacsatadu ay fiiro u yeeshaan bayaanka ay soo saartay wasaaraddu.
Sidoo kale wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo Maalgashiga Dowladda SSC-Khaatumo ayaa sheegtay in ganacsatadu ay wakhtigeeda qaataan shatiyada ganacsiga iyo liisannada oo aysan dhaafin muddadooda.
geesta kale wasaaradda ayaa sheegtay in aan la qaban doonin shatiyada lala soo daaho iyada oo wasaaraddu fartay ganacsatada in qaadashada shatiyada wakhtigeeda lagu dhaqan galiyo.
Maaha markii ugu horraysay ee wasaaradda ganacsiga, warshadah iyo maalgashiga SSC-khaatumo ay ku wargalisay ganacsatada in ay sharciyaysataan ganacsiyadooda.
Tan iyo goortii Magaalada Laasacaanood laga saaray Maamulka Somaliland isla markaana laga dhibay Maamulka SSC-khaatumo waxaa sare u kac ku yimid hanaanka guud ee nolosha caasimadda SSC-khaatumo iyo deegaannada kale ee uu ka arrimiyo maamulku. Magaalada Laasacaanood ayaa samaysay soo kabasho dhan kasta ah gaar ahaan arrimaha ganacsiga ayaa ka duwan sidii hore oo laga dareemayaa horumar dhanka hanaqaadka ah.